Kenya: 52 qof oo lagu eedeeyay qulqulatooyinka beelaysan ee Tana River Delta iyo xaddiga dadka ku naf waayay iska horimaadkaas
Nairobi 26, September 2012 (SDN)- Maxkamad ku taala Kenya, ayaa inka badan 50 qof ku eedaysay qulqulatooyin beeleed oo inka badan 100 qof ku dhinteen oo ka dhacay deegaanka Tana River Delta ee dalkaas.
Siday ku warantay warbaahinta Kenya, 52 qof oo lagu eedeeyay inay huriyeen rabshadahaas khasaaraha dhaliyay oo dhexmaray laba beelood oo deegaankaas wada degan, waxa ka mid ah hoggaamiyeyaal dhaqameed.
Maxkamaddu waxay Mr. Ali Komora oo ka soo jeeda Ozi iyo Salim Ali Hiribae oo ka soo jeeda Mpeketoni ku eedaysay inay ku guuldaraysteen inay masuuliyiinta dawladda ku soo wargeliyaan in beelahoodu hubaysan yihiin, isla markaana ay qorsheeynayaan in ay weeraraan dadka loo yaqaano Orma.
Dhegaysiga kiiskan waxa loo muddeeyay bisha soo socota ee October, waxaana jira cabsi ka taagan deegaankaas oo ku saabsan in rabshaduhu markale qarxaan, inkastoo ciidamo badan ay dawladda Kenya u dirtay deegaankaas.
Qurbejoog.com, Nairobi