Jaha-wareer Ka Dhashay Koox aan La Aqoonsan oo Saq Dhexe u Soo Daatay Idaacada Cusub ee RH oo La Qabtay Iyo C.I.D-da oo Ku Dawakhsan Kiiskooda
Hargeysa Sept26,2012(SDN/Hubaal)- Saddex nin oo aan la garanayn qorshahooda ayaa habeen hore gacanta lagu dhigay kadib markii ay u soo dhaceen Kaamboolka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland ee Magaalada Hargeysa, gaar ahaana Halka laga taagay War-laliyaha Idaacada Cusub ee Radio Hargeysa. Saddexdan Nin ayaa ka soo dhacay Jihada waqooyi ee Dayrka Idaacadda iyaga oo sanqadh tirasho ku soo galay xayndaabka Taawarka Idaacadda hase yeeshee waxa markiiba ku dhigay Ciidamada Amaaanka ee gaadhka kaga jiray aagaas.
Ragan oo dhalinyaro ah ayaa looga shakiyay inay fulinayeen hawl gal lagu sheegay inuu yahay Qarax lagu beegsanayo Idaacadda Cusub oo hadda uun faraha laga qaaday rakibaadeeda. Mid ka mid ah Hawl wadeenada Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi gelinta oo Ka cudur daartay in Magaciisa la xuso ayaa wargeyska Hubaal Xalay uga Warramay sida wax u dhaceen iyo goorta ragani u soo dhaceen xarunta “habeen hore tobankii oo wax la’ bay nimin dhalinyar ah oo waxay yihiin aan lagaranaynini ka soo dhaceen xaga dambe ee dayrka, adigu waa la qabtay oo hadda C.I.D-da ayay ku xidhan yihiin, oo lagu hayaa” ayuu yidhi masuulkani, waxanu ku gaabsaday inuu faahfaahin dheeriya ka bixiyo iyo ujeedada ragani u soo dhaceen waxa ay tahay “ Ciidamada ayaa baadhaya oo kiiskooda gacanta ku haysa, dee meeshuna waa Sensitive (xaasaasi) oo way hawlo badan tahaye waxba wali lagama soo saarin”. Ayuu raaciyay.
Dhinaca kale Wargeyska Hubaal ayaa la xidhiidhay mid kamid ah Saraakiisha Ciidanka Amaanka ee Wasaaradda Warfaafinta, oo ka gaabsaday in Magaciisa la xuso ayaa sheegay in Raggani soo dhaceen iyagoo Moobilo ku hadlaya oo aan wax baqdin ahi ka muuqan “Walaal Nimankani wali Waa la baadhayaa oo Habeen hore ciidankoo heegan ku jira ayay xagga waqooyi ee garoonka xigta ka soo dhaceen, ciidanka ayuun baa qabtay iyagoo iska baraad la” ayuu yidhi sarkaalkani, waxanu intaa ku daray “mabay cabsanayn oo telefoono ayay ku hadlayeen markii aanu qabanay”. Mar la weydiiyay meesha ay ka yimaadeen ragani iyo ujeeda hawlgalkan waxa uu ku gaabsaday “Wallaahi dee in kastoo la baadhayo oo wixii ka soo baxa la sugi doono haddana wali waa la garan la’yahay waxa ay yihiin , marba qolo ayay sheeganayaan oo reer hebel baanu nahay bay ku odhanayaan, wixii la weydiiyana si nasakhan bay uga jawaabayaan” ayuu intaa raaciyay sarkaalkan Ciidanka ahi. Waxa kale oo Wargeysku sii waydiiyay in ragganu socdeen Qarax iyo in hawlo kale u socdeen, waxaanu ku gaabsaday in wax walba la fili karo, balse aanu ka hor dhacay”.
Wasaaradda Wafraafinta ayaakamid ah hal bawlayaasha Qaranka maadaama oo ay dhex taalo warbaahintii qaranka ee bulshada wacyi gelinta u qaabilsanayd, waxaana arrinatni ku soo beegan tay xilli xukuumaddu sheegtay in la dhamaystiray rakibaada Idaacaddii Cusbayd ee Radio Hargeysa oo Muddaddii ay Somaliland jirtay ay tahay markii u horeysay ee Idaacad Xajmigeedu weyn yahay la rakibo. Taasoo markii la keenay dalka dhawaan ay ciidamada Sirdoonka Somaliland ku wargeliyeen Maamulka warfaafinta dawladda in la adkeyo ammaana wasaaradda oo dhan, iyadoo la sheegay in cadawga Somaliland bartilmaameed ka dhiganayo Idaacadda Cusub, si aan loogu guulaysan inay dalka wada gaadho.
SDN/Hubaal-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com