|

Madaxweyne Siilaanyo oo xilkii ka qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, masuul cusubna u magacaabay

Hargeysa 23, September 2012 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xilkii ka qaaday Agaasimihii guud ee wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Mr. Shariif Libaax Muuse, iyadoo uu masuul cusubna u magacaabay xilkaas.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu soosaaray Afhayeenka Madaxtooyada Mr. Axmed Saleebaan Dhuxul, Madaxweyne Siilaanyo waxa uu xilkaas u magacaabay Xuseen Xaaji Axmed Yuusuf.

Lama sheegin sababta keentay xil-ka-qaadistaas, waxayna degreetooyinka magacaabista iyo xil-ka-qaadista oo goor dhawayd Madaxtooyada ka soo baxay u dhignaayeen sidan; “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto madaxweyne oo numberkeedu yahay no. JSL/M/XILQ/249-1331/092012, Xilkii kaga qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyaynta iyo Gaadiidka, Mudane, Shariif Libaax Muuse.

 

Ujeedo:      Xil-ka Qaadis

Mudane,

Waxa aan aad kaaga mahad celinyaa mudadii aynu soo wada shaqaynaynay. Xilka Qaranka ayay dabcigiisu yahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka.

Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka Mudane Xuseen Xaaji Axmed Yusuf oo aan xilkaas u soo magacaabay.”

 

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed