|

Kaaliyeyaasha Maxakamadaha Hargeysa oo UNDP ku Eedeeyay Faro-gelin Ka Dhan Ah Garsoorka Dalka

Hargeysa Sept 23,2012 (SDN/Hubaal)- Kaaliyayaasha Maxakamadda gobolka Hargeysa ayaa Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee JSL Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali ku Eedeeyey Digreeto anshax marin ah oo uu dhawaan soo saaray, kaasi oo lagu xakamaynayo garsoorayaasha iyo xeer ilaaliyayaasha Maxakamadaha, taasi oo ay ku eedeeyeen in Hay’adda UNDP ee Somaliland kala shaqaysa arrimaha garsoorku ku lug leedahay.

Digreetadan ayaa Guddoomiyaha Maxakamada Sare ku sheegay in lagu xaaraantinimaynayo xaqul qalinkii laga qaadi jiray dadka dacwadahooda gacanta lagu hayo ee ay garsoorayaasha iyo xeer ilaaliyayaashu ka qaadaan dadka ay kiisaskooda hayaan.

Digreetadaas Guddoomiyuhu soo saaray oo qayb kamid ah uu Wargeyska Hubaal helay ayaa lagu sheegay in lagu xaaraan tinimayno xaqul qalinkii laga qaadi jiray dacwadahaas, kaasi oo la sheegay in Hay’adda UNDP soo abaabushay sidii loo xakamayn lahaa dhaqdhaqaayada garsoorka. “waxa Xaaraan aan ka dhigay Xaqul qalinkii laga qaadi jiray dadka dacwoonaya oo dhan sida seminka, xukunka ciqaabta ah, sii daynta waaranka digniinta ah, tirakoobka iyo  dhamaan wax kasta ilaa xukunka madaniga ah mooyee  oo bayjkiiba 10000 Shilin laga qaado.” Ayuu guddoomiyuhu wareegtadiisa ku yidhi.

Haddaba Mid kamid ah Kaaliyayaasha Maxakamadda gobolka Hargeysa oo ka cudur daartay in Magaciisa la xuso ayaa Xalay Wargeyska Hubaal u sheegay in Digreetadan uu guddoomiyuhu soo saaray aanay ahayn mid isaga ka soo go’day balse uu hoos dhigay Madaxa arrimaha sharciga u qaabilsan UNDP, kaasi oo uu Kaaliyahani sheegay in muddooyinkan dambe uu garsoorka Somaliland gacanta ku dhigay isla markaana sida uu doono u maamulo.

Kaaliyahani waxa uu Xukuumadda ugu baaqay in ay wax ka qabato wareegtada ay UNDP dabada ka wado ee guddoomiyaha Maxakamada sare soo saaray. Isaga oo sheegay in ay tahay caddaalad darro ka dhan ah kaaliyayaasha iyo gaadhsiiyayaasha kale ee Maxakamadaha oo awalba ku shaqaynayay Mushahar aad u hooseeya oo aan u qalmin. Masuulkani waxa uu Madaxaweynaha ugu baaqay in caddaalad darradii ay haatan marayso meel aan loo adkaysan karin oo u baahan in wax laga qabto.

Comments are closed