|

Ciidammada Federaalka Ethiopia oo Sifo aan La Fahmin xarshin Uga afduubtay Suldaankii Beelaha Subeer Awal

Xarshin Sept 23,2012(SDN/Hubaal)- Ciidammada Federaalka ee wadanka Itoobiya ayaa shalay degmada Xarshin ee dalkaas ka kaxaystay Suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suld. Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan, oo socdaal nabadeed ku tagay deegaankaasi, oo hore ciidamada Liyuu boolisku ugu xasuuqeen dad rayid ah.

Suldaanka guud oo uu weheliyo Suldaan Xuseen Ismaaciil Geelle oo kamid ah Salaadiinta Somaliland ayaa Ciidamada Federaalku ku xidheen xero military oo ay ku leeyihiin duleedka degmada xarshin halkaas oo ay illaa xalay ku jireen.

Wariye ka tirsan Wargeyska Hubaal oo Suldaanka khadka Telefoonka kula xidhiidhay isaga oo ku xidhan xeradaas military ayaa u sheegay in la xidhay iyaga oo ka soo laabtay degmada Harta Sheekh oo ay kulan kula lahaayeen Masuuliyiin ka socday dawlada Federaalka Itoobiya oo ay ka wada hadleen dhibaatadii ka dhacday deegaanka Cilmi Xirsi ee deegaanka Harshin, balse markii ay soo gaadheen Xarshin ay ciidamadu xidheen.

Suldaanku waxa uu sheegay in markii hore loogu marmarsooday in ay sharci darro ku soo galeen dhulka Itoobiya isla markaana aanay wadan dal ku galka (Vissa) ay ku dhex mareen dhulkaas, hase yeeshee markii ay tuseen sharcigooda iyo dal ku galka gaadhigoodu ku soo galay dhulkaas ay arrintu dhinac kale isu rogtay oo ay caddaatay in mu’aamarad kale jirto , inkastoo uu Suldaan Xasan ka gaabsaday inuu wax faahfaahin ah ka bixiyo xadhigiisa haddana waxa uu ku soo koobay in arrintii la galay oo ay dhamaatay saakana ay ka soo baxayaan xeradaas.

SDN-Xarshin

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed