Sucuudiga oo Xalay Dib u Soo Celiyey Markab Xoolo ka qaaday Dekeda Berbera iyo Fadeexado Ka soo Baxay Dhoofkooda
Berbera Sept 23,2012-(SDN/Hubaal)- Dawladda wadanka Sucuudi Carabiya ayaa dib u soo celisay Markab kuwa xoola ah oo siday 12 kun oo neef kaasi oo dhawaan ka shiraacday dekada Magaalada Berbera.
Markabkan oo xalay ka soo goostay Magaalada Jedda ee dalka Sucuudiga ayaa la sheegay in dawladda wadankaasi ay sheegtay in waraaqda caafimaad ee xoolaha uu sidaa ay tahay mid Foojari ah oo aan ka run sheegayn xaqiiqada, taasi oo ay ku tilmaameen in marar hore ay kala soo xidhiidheen maamulka dekeda iyo wasaaradda xanaanada xoolaha ee Somaliland.
Xukuumadda Somaliland ayaan ilaa hadda wax jawaab ah ka soo saarin sababta Xoolahaas loo soo celiyay maadaama Caafimaadkooda marka horeba lagu baadho Maxjarada Berbera, hase yeeshee ilo xog ogaal ah ayaa Wargeyska Hubaal u sheegay in Xoolaha Saaran markabkaas oo dhan 12 Kun oo neef ay 5 kun oo kamid ah iska leedahay shirkadda Aljaabiri, isla markaana ay isugu jiraan adhi madax cadcad (ido) oo laga keenay dhulka Canfarta ee dalka Itoobiya iyo kuwo laga keenay koonfurta wadanka SOomaaliya oo loo yaqaan Woodhaq. WArku waxa uu intaa ku darayaa in dawladda Sucuudigu ay Somaliland ku dhaliishay inaanay xil iska saarin hubinta caafimaadka xoolaha ka dhoofaya dekeda Berbera, kuwaasi oo inta aan markabka la saarin lagu hubiyo laba maxjar oo ay kala leeyihiin shirkaddaha Al jaabiri iyo Indho deero.
Qaar kamid ah hawl wadeenada dekada Berbera ee arrintan xog ogaalka u ah ayaa sheegay in hore ay u dhacday sidan oo kale in loo soo celiyo xoolo ka dhoofay dekeda taasi oo ay dhaliishooda saareen Masuulka wasaaradda Xanaanada Xoolaha u qaabilsan gobolka Saaxil oo ay ku tilmaameen mid aan xil iska saarin masuuliyadda hubinta caafimaadka xoolaha ka hor inta aanay ka dhoofin dekedda, taasoo dhabar jab ku noqon karta sumcaddii xoolaha Somaliland ku lahaayeen sayladaha Carabta haddii aan xukuumadda Somaliland dhakhso wax uga qaban arrintan.
SDN-Berbera
contact@somalidiasporanews.com