|

xisbiga cadaalada iyo daryeelka oo maanta soo saaray warsaxaafadeed lagu iclaamiyay kal-fahdiga 5aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga

Hargeysa Sept 22,2012(SDN)-Xisbiga Mucaaridka ee UCID ayaa maanta war saxaafada loogu talo galay ku sheegay in la cayimay mudada shirweynahoodu uu dhacayo.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale baaq loogu jeediyay xubnaha gollaha dhexe ee UCID in dalka ay u yimaadaan kulankaasi,qoraalka UCID oo dhameystirana waxa uu u qoraa;

 

 

JAMHUURIYADDA SOMALILAND

REPUBLIC OF SOMALILAND

Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka

                                            UCID

Justice and Welfare Party

حزب العداله والرأفة

 

Ref/UCID/825/2012                                                                                                                      Date: 22/09/2012

Warsaxaafadeed

Kulan ay isugu yimaadeen Maanta oo ay taariikhdu tahay 22/09/2012 Guddida Fulinta ee xisbiga UCID, waxay isla Go,aamiyeen Cayimaada kal-fahdiga 5aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga, kaas oo ay isla go,aamiyeen in uu noqdo qabsoomistiisu 25/10/2012 ilaa 26/10/2012.

Sidaa daraadeed waxa la farayaa dhamaan Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga UCID Dibad iyo Gudaba in ay joogaan ugu danbayn magaalada Hargeysa 22/10/2012.

Waxaan mar labaad idiinku adkaynayaa in la dhawro waqtigaas.

 

ALLA              MAHAD                LEH

 

Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga

Md, Xasan Cismaan Aadan (Sabce)


Comments are closed