|

wasiirka arimaha gudaha somaliland oo sheegay inay cafis ufidinayaan dhalinyarada kasoo jeeda somaliland ee ku jira alshabaab haday kawaan toobaaan alshabaab

Hargeysa Sept 22,2012(SDN)-Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Wasiir Duur ayaa sheegey inay xukuumadu u fidinayso cafis dhalinyarta reer Somaliland ee kasoo diga rogta Xarakada Al-shabaab.

Wasiirku wuxuu sheegey inay ka xukuumad ahaan diyaar u yihiin in ay soo dhaweeyaan dhamaan dhalinyarada ka waan tawda ee kasoo jeeda Somaliland inay cafis u fidiyaan hadii ay muujiyaan, xaqiijiyaana inay arrinkaas ka waantoobaan dalkoodana dib ugu soo noqdaan iyaga oo cafis waydiisanaya dalkooda

Wasiir Duur waxa kale oo uu sheegey inay jiraan deegaano katirsan deegaanada bariga ee muranadu ka taagan tahay oo u diyaar ah, buuxiyayna shuruudaha inay ka dhacaan doorashooyin. “Madaxweynaha waxaa u gudbiyay qoraal aan arrintan ugu faah faahinayo. Waxaa jira deegaano badan oo u diyaar ah oo doonaya inay doortaan cidii matali lahayd, qaranka ayayna nusqaan ku tahay in laga baajiyo xaqoodaas dastuuriga ahi”, ayuu yidhi wasiir Duur mar uu ka hadlayay arrimaha bariga oo wax laga waydiiyay.

Wasiirka arrimaha gudaha oo sidoo kale wax laga waydiiyay in ay wax ka jiraan xanta ah in uu xidhiidh la leeyahay xisbiga Al-islaax ee dhawaan talada dalka Somalia lawareegey, waxa uu sheegey in aanay xidhiidh toos ah oo shakhsi ahaan uu la leeyahay aanay jirin.balse ay tahay dacaayad iyo mala”awaal

“Xidhiidhka Somalia waynu u baahanahay oo waxaa marka horeba inoo socday wada hadal. Raadna waynu ku lahayn doorashadii madaxtooyada ee Somalia ka dhacday. Raadkaan ku lahayna wuxuu ahaa isgaadhsiinta oo anaa u qaabil sanaa amuurtaas dhanka xukuumada Somaliland”, ayuu yidhi wasiir Duur.

Si Kastaba ha ahaatee, inkastuu cadeeyay in ay xukuumada Somaliland ka qayb qaadatay ololihii doorashada Somalia oo ay u ololeynaysay sidii uu ugu soo bixilahaa jagada murashax, hadana, wuu ka gaabsaday cida uu ahaa muharaxa ay u olalaynayeen.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed