Kenya: Walwalka laga qabo isku-dhacyo dhexmara Qoomiyada oo korodhay iyo Madaxweyne Mwai Kibaki oo wasiir cusub u magacaabay Amniga Gudaha
Nairobi 22, September 2012 (SDN)- Madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki, ayaa wasiir cusub u magacaabay wasaaradda Amaanka Gudaha, tan iyo markii uu geeriyooday wasiirkii hore George Saitoti.
Mr. Kibaki waxa uu wasiirka Amniga Gudaha u magacaabay Mr. Katoo Ole Metito, kaasoo bedeli doona Yuusuf Xaaji oo kusime ka ahaa wasaaradda tan iyo markii ay bishii Juun uu wasiirkii hore George Saitoti iyo kuxigeenkiisii ku dhinteen diyaarad Helicopter ah oo la dhacday.
Wasiirka cusub Mr. Katoo Ole Metito, waxa uu hore u ahaa xildhibaan laga soo doorto Koonfurta Kajiado iyo kaaliyaha wasaaradda horumarinta gobollada dalka Kenya.
Mr. Katoo waxa uu xilka qabtay, xilli ay aad u sii kordhayaan walaaca laga qabo isku-dhacyo dhexmara qoomiyaha dalka Kenya, ayna weli taagan yihiin rabshadaha dhimashada badan dhaliyay ee deegaanka Tana River Delta, iyadoo ay soo dhawdahay doorashooyinka guud oo dhici doona bisha March 2013.
Qurbejoog.com, Nairobi