Madaxa Sirdoonka Canada oo walaac ka muujiyay Dhalinta Soomaalida ee la marin habaabiyo
Toronto Sept 22,2012(SDN)-Madaxa sirdoonka Canada(CSIS) Richard Fadden ayaa walaac ka muujiyay dhalintaSoomaalida ee dalkan ku nool ee xagjiriintu ay marin habaabineyso.
Richard Fadden ayaa waxa uu sheegay in dalka Canada khatar dhanka amniga au uga imaneyso dalka Soomaaliya oo in badan oo ka mida ay ka arimiyaan kooxda Al Shabaab.
“Dhalinyaro aad u faro badan ayaa dib ugu noqday Soomaaliya oo tabababar ku soo qaatay halkaa,waxaana khatartaa aan la wadaagnaa reer Galbeedka”ayuu yidhi Mr Richard Fadden.
Madaxa Sirdoonka Canada waxa kale oo uu sheegay in dhibaatadaasi ay kala kulmaan qurbejooga Soomaalida ee dunida reer Galbeedka.
“Soomaalidana waa daw in ay ka welwelaan caruurta la marin habaabinayo”ayuu yidhi Richard Fadden.
Ma aha markii u horeysay ee heyadaha amniga ee dalkan Canada ay walaac ka muujiyaan dhalinta Soomaalida ee dalkii tagta ee ku biira kooxda Al Shabaab.
Waxa jira dhalin hore u tegatay Soomaliya oo ku biiray kooxda Al Shaab,iyo qaar iyaga oo ku sii socda Soomaaliya ciidamada amaanku ay qabteen.
SDN-Toronto
contact@somalidiasporanews.com