|

EPRDF oo dooraneysa cidii bedeli laheyd Meles Zanawi

Adis Ababa Sept 15,2012(SDN)-Isbeheysiga haya talada dalka Itoobiya ee EPRDF ayaa Jimcaha waxa u furmaya shirweynahooda oo laba maalmood socon doona oo lagu soo dooran doono xilkii uu dhawaanta baneeyay Meles Zanawi.

Sidaana waxa lagu shaaciyay qoraal ay soo saareen xisbiga EPRDF oo Internetka lagu baahiyay.

Meles Zanaawi oo dhawaan geeriyooday ayaa hayay xilalka Raiisul wasaaraha iyo ta guddoomiyaha xisbiga mudo 21 sanadooda.

Afhayeenka Xisbiga EPRDF Simon Bereket ayaa sheegay in hogaamiyaha xisbigu uu noqon dono raiisul wasaaraha dalka Itoobiya.

Xisbiga EPRDF ayaa ku-xigeenkii Meles Zanawi u doortay in uu sii hayo xilka uu ka geeriyooday raiisul wasaraha.

Baarlamaanka Itoobiya ayaan ilaa iyo haatan ansixin in raiisul wasaaraha KMG ahi uu xilkaa sii hayo.

Hailemariam Desalegn ayaan u muuqan in xilkaa loo xalaaleyn doono inkasta oo uu siyaasada u soo gardaadiyay Meles Zanawi.

Sidoo kal raiisul wasaaraha KMG ah ayaa heysta madbata masiixiga ee protestant ee dadka faro ku tiriska ahi ay heystaan.

Si kastaba ha ahaatee doorashada raiisul wasaare cusub ayaan la garaneyn sida ay u saameyn karto degenaanshaha dalka Itoobiya.

SDN-Adis Ababa

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed