Xaaji Cabdi Waraabe oo caafimaadkiisu ka soo reynayo
Jabuuti Sept 15,2012(SDN)-Xaaji Cabdikariim Xuseen oo ka mida xildhibaanada gollaha Guurtida ee Somaliland ayaa dhawaan waxa xaalad caafimaad oo soo wejahday awgeed loo keenay dalka Jamhuuriyada Jabuuti.
Xaajiga ayaa xog aanu ka helay ehelka safarka ku weheliya waxa ay noo xaqiijiyeen in caafimaadkiisu aad uga soo reynayo intii uu soo gaaray dalkan Jabuuti.
Xaaji Cabdi waraabe oo ah nin cimri dheer eebe ku maneystay ayaa waxa uu ka mid yahay rukunada dhaqan iyo siyaasadeed ee dalka Somaliland.
Sidoo kale Xaaji Cabdikariim ayaa intii uu Jabuuti soo gaadhay waxa xaaladiisa caafimaad aad looga hadal hayay isla markaana looga duceynayay dalka Jabuuti.
Xaajiga ayaa dhulka iyo dadka Soomaalida caan uga noqdey ka talinta nabada iyo dhab ka hadalka xaaladaha kala gedisan ee kolba mujtamica soo wejaha.
SDN-Jabuuti