Film ka cadheysiiyay Muslimiinta caalamka oo mugdi ku jiro cida sameysay
Los Angels Sept 14,2012(SDN)-Film dhawaan Internetka lagu shaaciyay oo lagu aflaageedyay Nebi Maxamed NNKH ayaa sabab u noqday rabshado ay ku dhinteen safiirkii Mareykanka u fadhiyay Liibiya iyo labo kale oo shaqaale.
Filmka oo aan gebi ahaantiisa la soo saarin ayaa waxa qeyb ka mida la dhigay barta You Tube ka dibna waxa laga daawaday caalamka Islaamka.
Filmka oo la yidhaa The Innocence ayaa waxa sameeyay nin Masiixiya oo u dhashay dalka Masar oo haatan ku nool dalka Mareykanka.
Filmka ayaaney cadeyn cida maalgelisay iyo in uu yahay mid dhameystiran,balse waxa faafintiisa gacan ka geystay wadaadka ku caanka baxay naceymka Terry Jones.
Filmka waxa sameeyay Nakoula Basseley Nakoula oo 55 jira,horena danbiile dhacay Bank u ahaa.
Jilaayadii Filmka ayaa sheegay in cod kale lagu dul qabtay isla markaana aaney raali ka aheyn in la aflagaadeeyo Rasuulka Alle NNKH.
Dibed baxyadii ka dhashay Filmka ayaa gaaray dalal kale oo faro badan oo ka mida dunida Islaamka.
Sidoo kale waxa filmkani uu isbedel weyn ku keenay ololihii doorashooyinka Madaxtinimada Mareykanka oo isu bedelay ka hadalka Amniga halka hore doodu u aheyd wax ka qabadka dhaqaalaha liita ee Mareykanka.
SDN-Los Angels
contact@somalidiasporanews.com