Madaxweyne Siilaanyo oo Shaqaalaha dawladda, Ciidamada iyo dhinacyo kala duwan ka mamnuucay inay ka dhex muuqdaan siyaasadda
Hargeysa 13, Sept. 2012 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa soosaaray degreeto uu ku socodsiiyay dhinacyo kala duwan, taasoo uu ku mamnuucayo dhinacyada aan loo baahnayn inay ku lug yeeshaan ururada/xisbiyada siyaasadda.
Digreetadaas oo uu xalay soosaaray, waxay u dhignayd sidan; “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Numberkeedu yahay N0: 0264/092012, ku dhaqan geliyey Wareegtadan.
Ku: Dhammaan Wasaaraddaha JSL
Ku: Dhammaan Hay’adaha Madaxa Bannaan ee Dawlada
Ku: Dhammaan Ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland
Ku: Hay’adda Sirdoonka Qaranka
Ku: Dhammaan Maamullada Gobollada iyo Degmooyinka
Ku: Guddoomiyaha Guddiga Caddaaladda
Ku: Ururada aan Dawliga ahayn
Og: Hay’adda Shaqaalaha Dawladda
Wareegto Madaxweyne
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
Markuu arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu arkay: Qodobka 12 aad , faqradiisa 2 aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.
Markuu arkay: Qodobka 14aad ee Wax-ka-bedelka iyo Kaabista
Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda
Xeer Lr. 14/2011
Markuu arkay: Qodobka 12 aad , faqradiisa 5 aad ee Xeerka Doorashooyinka
Golayaasha Deegaanka iyo Madaxtooyada, Xeer Lr.20/2001
Markuu arkay; Qodobka 30aad ee Xeerka Doorashooyinka Golayaasha
Deegaanka iyo Madaxtooyada Xeer Lr. 20/2001
Markuu Tixgeliyey: Habsami-u-socodka Doorashooyinka, Hannaanka
Dimuqraadiyadda iyo dhex-dhexaadnimada.
Wuxuu soo Saaray
Wareegtadan Maamul oo ka reebaysa;
Ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland, Ururada aan Dawliga ahayn, Shaqaalaha Dawladda, Xubnaha Ka tirsan Garsoorka, Xeer Ilaalinta, Guddida Diwaangelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka;
1) In ay ka mid noqdaan ama ku lug yeeshaan arrimaha Axsaabta/Ururada Siyaasadda, isla markaana u ololeeyaan, taageeraan ama ka soo horjeestaan Xisbi/Urur Siyaasadeed.
2) In dhammaan Mas’uuliyiinta Xukuumadda heer kasta oo ay leeyihiin ku ololeeyaan hantida Dawlada; sida, Lacagta Dawladda iyo Gaadiidka Dawladda.
3) In Boodhadhka iyo Waraaqaha Ololaha Doorashooyinka lagu dhejiyo Gaadiidka Dawladda, Masaajidada, Xafiisyada, Xarumaha Diblamaasiyiinta iyo Ururada Caalamiga ah.”
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com