Weeraradii Safaaradaha Qaahira iyo Beghazi saameyn intee le’eg ayay ku yeelan doonaan Tartanka Doorashooyinka Mareykanka
Washington Sept 13,2012(SDN)-Weeraro ay kooxo cadheysani ku qaadeen saafaradaha Mareykanku ku leeyahay dalalka Masar iyo Libiya ayaa waxa ay isbedel muuqda ku keeneen doodihii iyo tartankii siyaasadeed ee u dhexeeyay musharixiinta ku tartameysa talada dalka Mareykanka.
Weerada ayaa dhacay ka dib kolkii la baahiyay Film aflagaadeeyay Nabigeenii suubanaa NNKH.
Weerarada oo ay ku geeriyoodeen afar ruux oo uu ka mid yahay safiirka dalka Mareykanka u fadhiyay Liibiya ayaa waxa siyaabo kal duwan uga hadlay.
Musharaxa xilka madaxweynenimo ee xisbiga Jamhuuriga ayaa Mitt Romney ayaa canbaareyn aan loo meel deyin huwiyay madaxweyne Barack Obama iyo xukuumadiisa oo uu ku eedeeyay in ay canaanteen xoriyatul qoolka dastuurka Mareykanku kafaalo qaaday halkii ay aheyd in ay difaacaan.
Romney ayaa ka hadlayay qoraal ka soo baxay safaarada Mareykanka ka hor rabshadaha,qoraalkaas oo lagu dhaleeceeyay Filmka gefka ahaa.
Madaxweynaha Mareykanka Barack Obaama oo u sharaxan xilka in uu sii hayo ayaa weerarka Safaaradaha lagu qaaday iyo ka Romney isaga la beegsadayba jawaabo ka bixiyay.
Obaama waxa uu wuxushnimo ku tilmaamay dilka safiirka iyo shaqaalihii safaaradooda Benghazi,waxaanu sheegay in Mareykanku baarayo cida dilkaa ka danbeysa tilaabo ku haboona laga qaadi doono.
Mr Obaama oo u jawabayay Mr Romney ayaa waxa uu sheegay in musharuxu uu ku degdegay weerarka kiyoon hubsan xaqiiqda.
“Roomney waa nin ku degdega ridida rasaasta kiyoon u meel deyin”ayuu yiri Obama.
Weerarada Safaaradaha Mareykanka ee Liibiya iyo Masar ayaa gebi ahaanba waxa ay bedeleen hadal heyntii Dhaqaalaha,waxaaney u bedeleen ka hadalka xaaladaha amni ee iyo kuwa siyaasadeed ee Mareykanku ka leeyahay dunida Carabta ee dhawaan ay ka dheceen isbedelada.
SDN-Washington
contact@somalidiasporanews.com