Safaaradaha Mareykanka ee Qaahira iyo Banghazi oo dad Gadoodsani ay weerareen
Qahir Sept 12,20129SDN)-Shacab gadoodsan ayaa isku gadaamay oo isla markana burburiyay qeybo ka mid ah Safaaradaha Mareykanku ku leeyahay dalalka Liibiya iyo Masar oo dhawaan ay ka dheceen isbedelo xukunkii looga tuuray keligood taliyeyaal.
Isbedeladaa oo ay Mareykanku taagereen ayaa kolkii danbe isku rogay qaar ay majaraha kula wareegeen hogaamiye diimeedyo reer Galbeedku ka walaacsan yihiin.
Shacabka Gadooday ee magaalooyinka Qaahira iyo Benghazi ayaa la sheegay in ay ka biyo diiden film lagu aflaageedeeyay Nebigeena Suuban NNKH.
Dadka ayaa gubay calamada iyo qeybo ka mid ah safaaradaha intii aaney halkaasi gaarin ciidamada amaanka ee dalalkaasi.
Dibedbaxayaasha gadoodsan ayaa calamdii Mareyknaka ee ay gubeen waxa ay ku bedeen qaar tawxiidku ku qoran yahay.
Dawladaha cusub ee Masar iyo Liibiya oo Mareykanku gacan ka siiyay talada in ay la wareegaan ayaan wax war ah ka soo saarin dhacdadan ku beegmatay sanadguuradii 11aad ee ka soo wareegtay kolkii Mareykanka lagu weeraray Duyuuradaha.
Dawlada Mareykanka ayaan weli wax war ah ka soo saarin dhacdadan iyo waxa ay ka fileyso dawladaha safaaradahooda la weeraray ay martida u yihiin.
SDN-Qahira
contact@somalidiasporanews.com