Hambalyada ay Xukuumada Axmed Siilaanyo la daba taagan tahay Soomaaliya maxey ka dhigan tahay?
London Sept 12,2012(SDN)-Xukuumada Somaliland ee uu hogaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa intii ay la wareegtay talada dalka ka dib waxa ay wax ka bedel baaxad leh ku sameysay habdhaqankii Somaliland ee ku wejahnaa Soomaaliya.
Xukuumada Axmed Siilaanyo waxa ay wax ka bedel ku sameysay siyaasadii iyo shuruucdii dalka ee ku wejahneyd dalka Soomaaliya.
Waxa ay Xukuumadu ka qeyb gashay shirar iyo wadahadalo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya,waxa kulamo toosa yeeshay masuuliyiinta labada dal.
Waxa intaa dheer in xukuumada Somaliland ee Axmed Siilaanyo hogaamiyo ay hambalyo la daba taagan tahay xukuumada jiritaankeeda dafirsan ee Soomaaliya.
Xukuumada Axmed Siileenyo ayaa Soomaaliya ka hambalyeysay Ansixintii Dastuurka Soomaaliya oo Somalilandna ay ku jirto.
Waxa ay xukuumada Axmed Siilaanyo ka hamabyeysay dawlada Soomaaliya soo xulidii xildhibaanada Soomaaliya oo ay ka mid yihiin masuuliyiin hore uga tirsanaa xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Shalayna waxa uu madaxweyne Axmed Siilaanyo hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Soomaaliyaoo qaba in Soomaaliya oo Somalilandna ay ku jirto ay mid tahay.
Dawladihii kala danbeeyay ee Soomaaliya soo maray intii Somaliland ay la soo noqotay madax banaanideeda ayaan maraba laga maqal hadal nasteexo u ah Somaliland.
Hadii ay noqoto tacsi masuul sare oo geeriyooday,abaaro,colaado iyo wax alaale iyo wax dad walaalo ah oo jaara ahi iska tacsiyadeeyaan ama iska hambalyeeyaan.
Madaxweyne Axmed Siilaano oo talada dalka kula wareegay doorasho ayaan Soomaaliya laga maqal wax hadal ah oo ku saabsan guushaa u soo hoyatay Soomaalida halkeey doonaan haku noolaadeene.
Hadaba waxa is weydiin leh ma Xukuumada Axmed Siilaanyo ayaa xiligeeda ka horeysa mise waxa ay is daad raacineysaa uun hadal heynta dalalka kale ee Soomaaliya isha ku haya?
Mise waxa jira hanqal taag iyo suuldhabaaleyn?hadalada hambalyada ahi waxa ay caalamka u muujineysaa in Somaliland sida Puntland ay qeyb ka tahay Soomaaliya oo ayna hanaanka nabadeynta ee dalkaay ka wadaan Beesha Caalamka.
SDN-London
contact@somalidiasporanews.com