|

Madaxweyne Siilaanyo oo hambalyeeyay Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya iyo Sheekh Shariifka laga guulaystay

Hargeysa 11, September 2012 (SDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sida lagu sheegay qoraal uu goor dhawayd soosaaray afhayeenka Madaxtooyada Mr. Axmed Saleebaan Dhuxul, waxa uu sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo hambalyo u diray Madaxweynihii laga guulaystay Sheekh Shariif Sheekh Axmed, wuxuuna qoraalkaasi u dhignaa sidan; “Marka hore Aniga oo ku hadlaya magaca qaranka Somaliland, waxaan doonayaa in aan halkan ugu hambalyeeyo Madaxweynaha cusub ee xalay baarlamaanka dalka Soomaaliya ay ku doorteen Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud, inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya afarta Sanno ee soo socda.

Waxa kaloo aan hambalyaynayaa Madxweynihii hore ee Ku meel-gaadhka  ahaa Mudane, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo aqbalay natiijadii ka soo baxday Doorashadaasi.

Xukuumadda iyo shacabka Somaliland waxaa uu muddo dheer ka damqanayay dhibaatadii ma-hadhiwaaga ahayd ee haysatay dalka iyo dadka soomaaliya.

Doorashadan  haatan waxaanu, qaran ahaan u aragnaa in ay tahay fursad ay ka abuurmi karto deganaansho iyo nidaam maamul dawladeed oo dalkaasi gaadhsiin kara doorasho dadweynaha dalkaasi ay si toos ah u soo doortaan madaxweynahooda sida Somaliland ay ku dhaqanto oo kale.

Mudane, Madaxweyne waxa ay Dawlada iyo Shacbiga Somaliland ay  ku rajaynayaan in illaahay xilkaaga ku fudaydiyo, isla markaana aynu noqono laba dawladood oo ka wada shaqeeya maslaxada, iyo Nabadgelyada Mandaqada aynu ku nool nahay.”

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed