Wefti ka socda Xisbiga UCID oo u ambabaxay dalka Koonfur Afrika iyo ujeedada socdaalkooda
Hargeysa 28, August 2012 (SDN)- Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Xoghayaha Maaliyadda xisbigaas Faadumo Siciid Ibraahim, ayaa maanta u ambabaxay dalka Koonfur Afrika.
Sida lagu sheegay qoraal uu soosaaray Xoghayaha Warfaafinta UCID Mr. Kayse Yuusuf, weftiga ka socda xisbiga UCID waxa uu dalka Koonfur Afrika kaga qaybgalayaa shir caalami ah oo ay ku kulmayaan ururada ku midoobay dallada Socialist International, wuxuuna warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan; “Maanta oo ay taariikhdu tahay 28/8/2012 waxa ka ambabaxay dalka wafti balaadhan oo ka tirsan xisbiga UCID oo uu hogaaminaayo gudoomiyaha xisbiga UCID ENG,Faysal Cali Waraabe iyo xoghayaha maaliyada ee xisbiga UCID ,FAADUMO SICIID IBRAAHIM, iyaga oo ka qaybgalaaya shirweyne balaadhan oo uga furmaya wadanka koonfur afrika ururada (Social Democratic) ee ku midiboobay dallada Socialist International.
Shirkan oo la qabto afartii sano ba hal mar kaasoo ay ka qaybgalayaan dhamaan hogaamiyayaasha xisbigayada Social Democratic, kuwaas oo ka kala imanaya dhamaan caalamka oo dhan.
Sidoo kale waxa lagaga hadlayaa shirkan dhaqaalaha, dimuqraadiyada, nabada iyo xalinta khilaafaadka, waana markii koobaad ee lagu qabto qaarada afrika,masuuliyiintan xisbiga UCID ahi kala hadli doonaan qadiyada soomaaliland wufuuda ka kala imanaysa caalamka .islamarkaana waxa uu xisbiga UCID uu xubin ka noqday dallada ay ku midoobeen badi xisbiyada caalamka ee marka lasoo gaabiyo lagu magacaabo Social International.”
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com