Madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray qoyska Lataliyihiisa dhinaca siyaasadda iyo Madaxweyne kuxigeenka oo tacsiyeeyay qoyska Maayarkii hore ee Boorama
Hargeysa 28, August 2012 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyska iyo ehelada ay ka baxday marxuumad Khadra Xasan Kaahin oo 25-kii bishan ku geeriyootay magaalada Jigjiga ee dalka Itoobiya.
Sida lagu sheegay dhambaal kooban oo afhayeenka Madaxtooyadu soosaaray, Allaah haw naxariistee marxuumadu waxay ahayd xaaskii Mr. Abiib Diiriye Nuur (Timo-cad) oo ah Lataliyaha dhinaca Siyaasadda ee Madaxweyne Siilaanyo, wuxuuna dhambaalkaasi u dhignaa sidan; “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa, Diiriye Nuur (Abiib Timacad) Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Qoyskii ay ka baxay MARXUUUMA, KHADRA XASAN KAAHIN oo ahayd Xaaskii La-taliyaha Madaxweynaha mudane Abiib Timacad.
Markuumada oo ku geeriyooday magaalada Jiggiga ee Wadanka Ethiopia, 25/08/20102, laguna aasay Jigjiga.
Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumada inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii ay ka baxaydayna Samir iyo Imaan ka siiyo.”
Dhinaca kale, Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Seylici, ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyska uu ka baxay marxuum Ibraahim Magan Nuur oo maanta lagu aasay magaalada Boorama.
Sida lagu sheegay dhambaalka tacsida, marxuumku waxa uu amr ahaa maayorka magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, wuxuuna dhambaalkaasi u dhignaa sidan; “Madaxweyne ku xigeenka JSL, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Asxaabtii iyo Qaraabadii uu ka baxay MARXUUM IBRAAHIM MAGAN NUUR oo ku geeriyooday 27/08/2012 Gobolka Awdal gaar ahaan Magaalo madaxda Boorama, laguna aasay 28/08/2012 Boorama.
Marxuumku waxa uu ka mid ahaa waxgaradka iyo Waayeelka Gobolka Awdal sidoo kale waxa uu mar ahaa Marxuumku Maayarka Magaalada Boorama.
Madaxweyne ku xigeenku waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo MARXUUMKA, Ehelkii, qaraabadii, Asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxayna Samir iyo iimaan siiyo.”
Qurbejoog.com, Hargeysa