|

Wadaad taageeri jiray Shabaabka oo reer Kiinya ah oo Mombasa lagu khaarejiyay,iyo magaaladaas oo dibed baxyo hareeyeen

Mombasa Aug 28,2012(SDN)-Wadaad u dhashay dalka Kiinya oo hore loogu eedeeyay in uu taageeri jiray kooxda Al Shabaab ayaa maanta dil toogasho ah lagu khaarejiyay mar uu gaari ku dhex watay bartamaha Mombasa.

Sheekh Cabuud Rogo Maxamed ayaa koox hubeysan oo aan ilaa hada la garani waxa ay xabad la dheceen gaari ay isaga iyo qoyskiisu wada saaraayeen.

“Waxa ay odeygeyga ka toogteen dhanka midig,waxaaney la socdeen gaari naga daba yimi,maxaa loo dilay odeygeyga”ayay ku barooratay xaaska wadaadka la khaarijiyay.

Mombasa ayaa markiiba waxa is qabsaday buuq iyo rabshado ka dhashay dilka wadaadkan hore ugu jiray tirakoobta dadka Mareykanka iyo QM ay u aqoonsanaayeen in uu xiriir la leeyahay argegixidasa caalamka.

Dad ka gadooday dilka wadaadka oo rabshado ka sameeyay Mombaa ayaa waxa ay dileen hal ruux waxaaney gubeen gawaari iyo hanti kale oo Kaniisadina ay ka mid tahay.

Mombasa ayaa ah magaalo xeebeedka dekeda u ah Kiinya o isla markaana ah goob lacag badani dawlada uga soo xaarooto dadka damaashaadka dalkaasi u taga.

Ilaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay dilkan loo geystay wadaadkan reer Mombasa.

SDN-Mombasa
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed