Hadal heynta ugu badan ee Somaliland:Labadee Urur ayaa soo raaci doona UCID iyo colaada arintaasi ka dhalatay
Hargeysa Aug 27,2012(SDN)-Xisbiga mucaaridka ah ee UCID oo haatan u muuqda in uu yahay ka ugu hadal heynta batan ururada siyaasada ee ku herdami doona doorashooyinka golleyaasha degaanka Somaliland ayaa arinkaa ku muteystay colaad siyaasadeed oo si weyn uga dhex muuqata saxaafada Somaliland.
Xisbiga oo ku caan baxay mucaaradad wax dhista ayaa dhawaan waxa ku soo biiray mujtamic aad u balaadhan oo ka kooban dhamaan qeybaha bulshada siyaasada Somaliland,tilaabadaas oo dhabar jab ku noqotay shakhsiyaad mudo ka shaqeynayay burburka xisbiga.
UCID waxa hore adhaxda uga jebiyay siyaasiyiin iyo ashqaas ku hawlgalayay halka ku dhigaah”Qawda maqashii boqnahana goo”.
Xubnahaas oo kolkii ay moodeen in xisbigu dhintay isaga baxay,hatanse ku baraarugay kiyoo tartankaba hogaaminaya.
Waxa beenowday eryo halheys u noqday nacabka UCID oo ahaa Guddoomiyaha xisbiga Faysal Cali Waraabe ebid ka tanaasulimaayo musharaxnimada madaxweyne iyo cidna ma kasban karo iyo ereyo kale oo raqiisa.
Iminkana waxa bilaawday eryo kuwaa ka liita oo ay ka id yihiin,xisbigii waa la iibiyay iyo UCID waxa uu ku milmay xukuumada.
Dabcan ereyadaasi waxa ay u muuqdaan qaar ka soo yeedhaya ururada iyo ashqaasta ku hafaneysa habaaska iyo budulka UCID kicinayay beryahan danbe.
SDN-Hargeysa
contact@somalidasporanews.com