URURKA TABANTAABO OO RAASHIN DEEQ AH GAADHSIIYEY DUGSIYADA BOODHINKA AH EE KA JIRA DEGMADA SABOWANAAG(DAAWO SAWIRADA)
Hargeysa Aug 26,2012(SDN)-Ururka mutadawaciinta ah ee TABANTAABO oo baryahanba ku hawlanaa hagaajinta iyo horumarinta gobolka ee caafimaadka iyo waxbarashada ayaa wuxuu geeyey degmada Sabowanaag raashin ay ugu geeyeen dugsiyada boodhinada ah ee ka jira tuulooyin ay degmadu maamusho oo ay dhigtaan arday tiro badan. Raashinkan oo laga ururiyay dad reer Hargeisa ah oo ku deeqay raashinkii ay bixin jireen fidriga oo ururkuna fududeeyey inuu meel isugu keeno ayaa uu ururka TABANTAABO ku guulaystay inuu dugsiyada boodhinka ah geeyo, raashinkani oo wax badan ka tari doona baahidii ay ardaydu u qabeen isla markaana uu ka dabooli doono raashinkii ay soo iibsan jireen.
Wuxuu ururku geeyey raashinkani saddex dugsi oo kala ah: dugsiga QOTON, BALIKALIIL IYO DUGSIGA XARUNTA KA FURAN EE SABOWANAAG. Raashinkani oo kor u dhaafayay 4000 kg ayaa ka koobnaa BARIIS, DAQIIQ, SALIID IYO BAASTO.