|

Ma dhabaa in Madaxweyne Shariif uu la kulmey Hoggaamiyayaashii Maxkamadaha Islaamiga

Muqdisho Aug 26,2012(SDN/Xog la helay)-Sida aanu wararku nagu soo gaarayaan Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa kulan la yeeshay Xubnihii hore ee ka tirsanaa Maxkamadaha Islaamiga oo uu hogaamiyaha u ahaa.

Kulanka ay yeesheen Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo Mas’uuliyiintii Maxkamadaha oo uu ugu horeeyo C/qaadir Cali Cumar iyo Ragg kale oo hadda xilal ka haya dowladda KMG Soomaaliya ayaa ka shiray siyaasadda dalka uu hadda marayo.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday in haddii Shariif Sheekh Axmed uu ku guuleysan waayo doorashooyinka madaxtinimo ee dalka sida laga yeeli lahaa Caasimada Muqdisho iyo Gobalada dalka ee hadda laga xureeyay Al-Shabaab.

Qorshaha kulanka ayaa la isku afgartay in haddii Shariif uu xilka ku soo laaban waayo ay qalqal Siyaasadeed Amni lagelin doono xasiloonida Magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka mid ahaa Mas’uuliyiintii ugu sar sareysay Maxkamadaha Islaamiga ee Sanadkii 2006 ka saaray Hogaamiyo Kooxeedyada Magaalada Muqdisho islamarkaana dagaal adag kaga horyimid dowladii markaasi jirtay iyo Ciidamadii Itoobiya.

Si kastaba Xubnihii hore ee Maxkamadaha ayaa u muuqata iney diyaar u yihiin in qalqal amni la geliyo dalka islamarkaana laga hor-imaado dadaalada hadda Nabada lagu raadinayo.

 

 

Comments are closed