Madaxa Ololaha Doorashada Faramaajo oo beeniyay in AMISOM ay aqalkiisa kala baxday Raiisul wasaarihii hore
Muqdisho Aug 11,2012(SDN)-Madaxa Ololaha Madaxweynenimada Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu u sheegayaa ummadda Somaaliyeed in aysan waxba ka jirin warar been abuur ah oo la isla dhex marayo oo sheegaya in Mudane Farmaajo lagala baxey guriga uu ka deggan yahay magaalada Muqdisho lana geeyey xarunta cidamada AMISOM.
Maddaama Mudane Farmaajo u ahaa Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, lana dagaallamay kooxda Al-shabaab, xaaladda nabadgalyadiisu way ka duwan tahay tan musharaxiinta kale ee Soomaaliyeed, sidaas darteed marka uu doonaayo inuu magaalada hawlo u tago, waxaa wehelin doona ciidanka AMISOM. Saaka wuxuu Mudane Farmaajo ku lahaa shir garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, sidaas awgeed ayaa ciidamada AMISOM u daba socdeen gaarigiisa ee u watey.
Madaxa Kaambeenka ee Mudane Maxamed Farmaajo
Abukar Dahir Cusmaan (Abukar Baale)