Jaalliyada Somaliland ee ku Dhaqan Sucuudiga oo Deeq Lacageed soo gaadhsiiyay 35 Qoys oo ka mid ah Bulshada Deggaanada Sharma’arke, Xadhig-Xadhig iyo Hargeysa
Hargeysa (SDN) – Jaalliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan wadanka Sucuudiga ayaa Deeq lacageed soo gaadhsiiyay 35 qoys oo ka mid ah Bulshadda ku dhaqan deegaannada Sharma’arke iyo Xadhig-xadhig dhinaca koonfureed kaga beegan Magaalada Hargeysa.
Deeq-dan oo dhammeyd $ 1400 (kun iyo afar boqol Dollar) waxa loo kala qaybiyay 15 qoys oo Sharmaarke ah, 15 qoys oo Xadhig-xadhig ah iyo 5 qoys oo Hargaysa ah, waxana gudoonsiiyey oo jaalliyadu ay ku soo hagaajisay Sh. Cabdiraxmaan Maxamuud Cilmi (Cabdiraxmaan-Weyne), hadal uu ka jeediyay gudoonsiintii deeqdanna waxa uu yidhi “Runtii qoysaskan oo ah qoysas danyar ah oo duruuf Nololeed haysato, Mucaawimadan lacageed waxay noqon doontaa mid wax wayn ka badesha noloshooda.
Subaxnimadii hore sdaaka ayaan ka bilawnay 5 qoys oo Magaalada Hargaysa ah waxay noosheegeen qaarkood in afurkii shalay wax ugu dambeyeen, Qaarkoodna ay yarayd inta ay dabshiteen Ramadaantan, Halka qaarkale La daalaa dhacayaan Xanuuno ku raagay, qoys walba waxaanu siinay $ 40 oo lacagnimo ah
Markii aanu gaadhnay tuulada Sharmaarke waxa noo soo baxay dad runtii Bahiyi ka muuqato, waxa Halkaa ka hadlay Sheekh C/raxmaan Maxamoud Cilmi (C/raxmaan wayne) oo ahaa wakiilka Deeqdan waxaanu sheegay inuu deeq lacageed uga sido Walaalahooda reer sucuudi arabiya, deeq dan oo ay kugu talo galeen dadka danyarata ah eek u nool tuuladan kadib waxaanu iyana halkaa ugu qaybinay deeqdii lacageed ee aanu usidnay 15 Qoys oo danyar ah oo qoyskiiba yeelan doono $ 40”. Sidaa ayuu yidhi Sheekh Cabdiraxmaan.
Dadka deeganka ayaa iyana uga Mahadceliyay jaaliya reer sucuudi Arabiya iyagoo sheegay inuu Ilaahay ka abaal marin doono meeshii ay ka spooo srene ilahay waxa khayr qaba ugu badalo.
Sidoo kale waxaanu iyana Gaadhnay Tuulad Xadhig-Xadhig Tuulada oo badi xoolihii kabaxeen ahna runtii dad aad u tabaalaysan waxaanu iyana halkaa ugu qaybinay 15 qoys oo aad u liita iyadoo qoyskiiba aanu siinay $40 .
Dadka Deegaanka ku dhaqan ayaa si diiran u soo dhaweeyay Deeqdan lacaged
Isku soo wada duuboo deeqdan lacageeda ayaa ahayd mid wakhtigeedii ku soo beegantay ayadoo lagu gudo jiri 10 kii u dambeeya ee Ramadaan, Deeqdana ayaa ahayd mid bulshada ku dhaqani ay aad u soo dhaweeyeen, inkasta oo aan la soo koobi Karin Baahiyaha degmooyinkan haysta, hadana Deeqdan lacageed waxay waxwayn katari doontaa Baahida Bulshadan Ilaahayna waxa uu quraankiisa ku sheegay Dhulka isugu Naxariista aan samada idiinka naxariistee.
Somali Diaspora News
Hargeysa, Somaliland