|

WAA BARNAAMIJKII SUGAANTA IYO ISBADALKA DHAQANKA BULSHADA‏

Berlin Aug 10,2012(SDN)-Akhristeyaal waxaad mar kale naga guddoontaan Barnaamijkii Suugaanta iyo iyo Isbedelka Bulshada ee taxanaha inoo ahaa,maanta waxa barnaamijka isla soo diyaariyay Jaamac Maxamed Xandule iyo Zamzamos Axmed Keynan.

Waxaan maanta ku eegeynaa suaalalha iyo jawaabaha suugaaneysan ee maxkaxda dhalaanka looga shaqeysiiyo isla markaana leh xigmadaha cajiibka ah, isku day in aad maskaxda ka shaqeysiiso intaanad eegin suaalaha fadlan.

1. Su,aal:- sheeg Sadex ku Hoda ?

2. Su,aal:- Sadex Waa laga tagaa?
Jawaab:- Guun kibirtey, Gob cadhootey iyo Golo Ceebeed

3. Su,aal:- Sadex ilaahay baa kugu Neceb?
jawaab,:- Soon la,aan , Sadaqo la,aan iyo Salaad La,aan

4. su,aal:- Sadex Rasuulka CSW kugu Neceb?
Jawaab:- Run La.aan , Rumeyn la,aan iyo Rafiiq La,aan

5. su,aal:- Sadex dadka kugu neceb?
jawaab:- Xil la,aan , xishood la,aan iyo Xoolo la,aan

6.Su,aal :- Sadex sadex bay bishaa haday ka badatana Way biisa?
JAwaab:- Badhidu Dumarka way bishaa haday ka badatana way biisa, 2. dhamastu dhirta way bisha haday ka badatana way biisa 3. martidu beesha way bisha haday ka badatana way biisa

7. Su,aal :- sheeg laba ka ahoreya laba kaa danbeya iyo laba hareerahaaga ah?
Jawaab:- laba kaa horeya waa hunguri iyo hamo 2. laba kaa danbeeyaa waa gabow iyo geeri, 3. laba hareerahaga ah wa akhasaare iyo faa,iido

8.su,aal:- Rag Sadex baa u litaa?
Jawaab:- ma toshe , ma tashade iyo ma tashiiste

9: 3 baa suldaanimada kaa qaadaa:
gar eexo, gudoon jilicsan, iyo  gacan guraacaan
10.. 3  lalamaa dago
1. bakhayl damac yaqaan
2-fule daandaansi yaqaaan
3- doqon fiiro taqaan
Soo diyaariyaaal: jamac  maxamed  xanadule iyo   Zamzamoz  Ahmed kaynan.

Comments are closed