July oo noqotay bishii ugu nabadoneyd baddaha Soomaalida ee Burcadu ka qawleysato
Nairobi Aug 09,2012(SDN)-Burcad badeeda Soomaalida ee faraha baas ku heysa maraakiibta ganacsi ee isaga goosha badaha geeska Africa ayaa bilihii ina dhaafay khaasatan bishii July waxa ay u aheyd mid aan hore u soo marin.
Bilaha July iyo August ayaa caadiyan weerarada buracad badeedu hoos u dhacaaan bacdaa la galo xiliga badxiranka,balse waxa mar walba jiri jiray weeraro kooban oo ay qaadaan xiligaasi.
Basle sanadkan waxaa badxiranka u dheeraa hawlgalada ciidamada calmka ee ku sugan badaha Soomaalida oo la laba laabay.
Kolka laga soo bilaabo June 19 Burcadu ma aaney ku guuleysan in ay qabsadaan markab,laga soo bilaabo bishii July 26na wax weerar ah ma aaney qaadin gebi ahaan.
Sida ay shaacisay hay’ada badmaaxyada caalamka ee IMB tani waa mudadii ugu dheereeyd ee aaney Burcad badeeda Soomaalidu qabsan wax maraakiib ah,kolka laga soo bilaabo sanadii 2007dii.
Tani waxa ay muujineysaa in ilaalada maraakiibta la socota iyo ciidamada hawgalada ka wada baddaha Soomaaliya ay haatan miro dhalayaan.
SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com