|

Dastuurka Cusub ee Soomaaliya oo kafaalo qaadaya xuquuqda asaasiga ah ee Ubadka Soomaaliyeed

Muqdisho Aug 09,2012(SDN)-Dastuurka cusub ee dalka Soomaaliya ee dhawaanta ay ansixiyeen madax dhaqameedka Soomaaliyeed ayaa xuquuqda Caruurta Soomaaliyeed si cad difaacidiisa u qeexaya.

Dastuurka Cusub ayaa oranaya waa in caruuta Soomaaliyeed aan loo isticmaali karin dagaalada,lagu shaqeysan kareyn,la dili ama jir dili karin,xaqna u leh in ay helaan waxbarasho ilaa dugsiga sare ah.

Sidoo kale Dastuurku waxa uu khasab uga dhigayaa waalidiinta in ay kafaalo qaadaan nolosha assaasiga ah ee ubadka Soomaaliyeed iyo in aan la guursan karin caruurta.

Caruurta Soomaaliyeed ee haatan ka xoogsata suuqyada dalka iyo kuwa qoran ciidamada ku herdamaya gacan ku heynta degaanada ay ku nool yihiin ayaan la garaneyn balse waxa muuqata in sanadadan danbe ay sii kordheyeen.

Shuruucdan ayaaney cadeeyn sida ay wax uga bedeli karaan nolosha caruurtan ku nool xaaladaha guracan ee dalka.

Khaasatan ku haatn ku hoos nool kooxda Al Shabaab ee weli ka arimisa qeybo badan oo ka tirsan dalka.

Muhiimada u weyn ee Dastuurkani u leeyahay Ubadka Soomaaliyeed ayaa ah in aan caruurta loo qoran doonin ciidamada dawlada.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed