Soomaaliya oo markii u horeysay yeelaneysa Suuqa Saamiyada Ganacsiga
Nairobi Aug 09,2012(SDN)-Soomaaliya ayaa yeelanaysa suuqa saamiga ganacsiga kii u horeeyay ebid oo laga furayo dalka Kiinya dhawaan ka dibna la qorsheynayo in loo raro gudaha dalka Khaasatan Muqdisho.
Ciid Maxamed oo ah safiir ku xigeenka xafiiska QM ee Soomaaliya ayaa sidaa saxaafada ugu sheegay magaalada Nairobi in ay dhawaan suuqan hirgelinayaan.
“Soomaalidu waa dad ganacsiga ku wanaagsan,waxaaney doonayaan in ay ku biiraan dalalka Jaarka la ah ee leh suuqyada Saamiga”.ayuu yiri Ciid.
“Ugu horeynta Suuqu waxa uu ka furmi doonaa Nairobi ka dib kolka xaaladuhu degaana waxaa loo rari doonaa Muqdisho”ayuu Ciid yiri mar kale.
Md Ciid oo ka mid ah assaseyaasha Suuqa Saamiga Soomaaliya(SSE) ayaa rajeynaya in suuqu oo soo jiito shirkadaha Soomaalida iyo kuwo shisheeyahaba,si ay uga qeybqaatan dib u dhiska Soomaaliya.
Madaxa suuqa saamiyada Kiinya Peter Mwangi oo isna saxaafda la hadlay ayaa sheegay in Kiinya ay gacan siineyso sida ay Ruwandaba gacanta uga siisay dhisida suuq saami.
“Waanu ku faraxsanahay in aanu Soomaalida ka caawino sidii ay dhidibada ugu taagi lahaayeen Suuq Saami oo ku saleysan Shareecada Islamka”ayuu yiri Peter Mwangi.
Shareecada Islamka ayaan ogoleyn in ruuxa Muslimka ahi uu wax ribo ah qaato ama bixiyo,ama in la maal gashado shirkadaha qaar sida kuwa sameeya khamriga oo kale.
Suuqa ayaa waxa uu wadada u xaarayaa in shirkadaha shidaalka iyo kuwa dib u dhiska dalka xiiseynaya in ay ku dhiiradaan maalgashiga dalka.
Soomaaliya ayaan leheyn hay’ado dhaqaale sida baananka oo kale,dhaqaalaha dalkuna waxa uu si weyn ugu tiirsan yahay kafaalo qaadka qurbejoogu dalka u diraan oo lagu qiyaasay $2-billion sanadkii.
Suuqa Bakaaraha ayaa haatan ah rugta laga maamulo sicirka raashinka iyo lacagaha qalaad ee dhulka Soomaalida ee geeska Africa.
SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com