Saddexda Wasiir ee Isku Jeeniga ah: Allif Kaa Qalloocdaa, Al-baqruu ku Dhibaa!!!!!Faallo W/Q. Xasan-Keef-keef
“Waxa iga su’aal ah oo aan weydiinayaa xukuumadda, haddii gogosha ee intaas oo jeer ay dhigeen ciddi uga iman weyday, colaaddii lagaga soo horjeeday sii xoogeysaneyso, ilaa iyo goorma ayey sii oolleysaa gogosha nabadda ee xukuumadda Siilaanyo?.
Madax-salaaxa Siyaasaddeed & Saddexda Wasiir ee Isku Jeeniga ah: Allif Kaa Qalloocdaa, Al-baqruu ku Dhibaa!!!!!
Madax-salaaxa Siyaasadeed, Dawo ma u Noqon karaan xaaladdan oo kale?.
Kooxda nabad-diidka iyo Qaranimo diidka Somaliland, waxa ay soo noolaadeen oo madaxa kor u taageen bilowgii xil-la-wareegidda ee xukuumadda Siilaanyo qabatay hoggaaminta dalka. Falkii ugu horreeyey waxa uu ka bilowday deggaanka Kalshaale oo rag lagu dilay, kadib markuu khilaaf dhinaca dhulka ahi ka dhex bilaabmay beelaha wada deganaa weligood dhulkaasi ee xoolaleyda ahaa.
Waxa arrintan xallinteedii isku mulaaqantay, kadib markii si is-barbar yaac ah xukuumadda iyo beel, ay madax-dhaqameedkeedu si kala gooni-gooniya mid mar ugu dhawaaqeen gogol nabadeed, iyadoo waqtigaa beesha dhinaca kale ee Buuhoodlena ku hawlanaayeen abaabulka iyo u olloleynta shirkii Khiyaamo Qaran ee Taleex ku qabsoomay bilowgii 2012-kii. Qabashada shirkii Taleex ujeeddooyinkii laga lahaa iyo cidda fikraddiisa, hoggaamintiisa iyo meel-marintiisaba lahayd ee wadatay wuxuu ahaa mid aan cidna ka qarsooneyn inuu mid siyaasadeed yahay, sidaa darteed ayaa waxgaradka reer Somaliland ee gudo iyo dibedba uga digeen shirkaa qabashadiisa.
Haseyeshee, digniinahaa waxa dheg-u-dhigi weyday xukuumadda Siilaanyo oo ku tilmaantay inuu yahay mid dhaqan oo aan waxba u dhimeyn jiritaanka iyo Qaranimada Somaliland. Waxayna weliba ugu sii dartay taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba, kadib markay Wasiirrada xukuumaddeena qaarkood caasimadda ka sii tabantaabiyeen xubno ka qeygalayey shirkii Taleex oo uga soo gudbay xuduudaha Somaliland dhinaca dalalka deriskeena, kadib markay Maamulka Puntland diideen inay dhankooda ka gudbaan cid kastoo u socota shirkaasi.
Si kastaba ha ahaatee, shirkii aynu oggolaanay qabashadiisa ee haddana xukuumadda dalka ka talisaa cidna u dirsan la socodkiisa, maadaama uu ka dhacayey dalka gudihiisa, waxa ay u sii fududeysay kooxihii siyaasiyiinta ahaa ee uu hor kacayey Cali Khaliif Galeydh, in ka sakaw ku dhawaaqistii Maamul ka madaxbannaan Somaliland oo ay ula baxeen “KHAATUMO” in geesta kalena garab hubeysan oo ciidan lagu yagleelo shirkii Taleex oo uu Maamulkii hoos tagayo hoggaanki Maamul ee lagu dhisay waxa ay ugu yeedhaan Khaatumo State.
Arrimahaas iyo xadhkahaa soo taxnaa ilaa shirkii London ee ay horseedka ka ahaayeen Galleydh iyo kooxdiisu ma odhan karnaa Wardoonka Qaranku waxba way ka ogaan kari waayeen? Jawaabtu waa “HAA” waxase go’aankeeda lahaa xukuumadda oo tallaabadii u horreysay ee ay ka qaaday uu ahaa mid aan qancin qof kastoo Somalilander ah, kadib markii uu noqday qaraarkii ay ka qaateen, kuna dhawaaqeen in go’aamadii kasoo baxay Taleex ahaayeen mid ay wateen koox yar oo dibadda ku nool, isla markaana aanay kula socon dadka kale ee kasoo jeedda Degaannadaas.
Tan waxa ka sii horreeyey wafdigii Somaliland ee isugu jiray Xildhibaannada iyo Mas’uuliyiinta kale ee Qaranka ee loo diray in shirka qabashadiisa ood adag afka kasoo saaraan oo uu Ciidanka Maamulka Puntland intay gudaha u soo galeen Jamhuuriyadda Somaliland ay dhexda u galeen wafdigii, halkaana ku afduubeen xubno ka mid ahaa mas’uuliyiintii Gobolka iyo tiro Gaadiidka Dawladda ah oo wada cusub.
Af-ka-xidhashadii iyo ka jawaabid la’aantii xadgudubka badheedhka ee Puntland sida sharci-darrada iyo gar-darrada ahayd ee ay ku samaysay xukuumadda Siilaanyo, ayaa iyana dhirbaaxo quudheed oo ay dugsadeen ahayd, waayo cid qaranimo sheeganaysa ta haddaanu ahayn qaran laga adkaaday oo la jebiyey cududdii ciidan ee uu lahaa, oo tanoo aqbashaa ma Jiro. Kasoo gudub, iyadoo intaas oo dhacdooyin ahi iska daba dhaceen, ayaa haddana marar badan oo tiro iyo macnaba beeshay uu Madaxweyne Siilaanyo, haddana mar labaad iyo mar saddexaadba ku dhawaaqay u fidinta gogol-nabadeed kooxahan diiddan Qaranimada Somaliland, sidoo kalena Wasiirradiisu kaga daba celliyeen gogoshaa nabadeed ee aan cid ka jawaabta weli lahayn oon ka ahayn Xaglo-toosiye oo oday Siilaanyo gacmahoodu is-gaadheen mar Dubai laysku arkay.
Haddaba, waxa iga su’aal ah oo aan weydiinayaa xukuumadda haddii gogosha nabadeed ee intaas oo jeer ay dhigeen cidi uga iman weyday, colaaddii lagaga soo horjeeday qaranimaduna halkeedii ka sii socoto, siina xoogeysaneyso, ilaa iyo goorma ayey sii oolleysaa gogosha nabadda ee xukuumadda Siilaanyo?.
Waxa iska cad marka arrimahan aan soo xusnay iyo kuwa kaloo badan oo halkan aan lagu wada xusi Karin, in la eego, lana axadho in xukuumadda Siilaanyo uu hoggaamiyo ay dhawr arrimood isugu biireen oo ay ugu horreeyaan waayo-aragnimo la’aan dhinacyada Maamulka dawliga ah iyo siyaasadda, Sirdoonka oo laga dhaqaajiyey xubnihii khibradda u lahaa arrimahan, siyaasad cad oo ku wajahan kooxahaa oo la mid ah tii ay ka lahaayeen xukuumadihii ka horreeyey oo ahayd in aan nabad iyo wadahadal toona marka hore lala gelayn cid kastoo ay qirsanayn Qaranimada ay hore iskula qaateen dhammaan beelaha Somaliland shirkii Burco ee 1991-kii, balse wixii tabasho ah ka wada hadalkeeda la soo dhoweynayo, mid kalana waa go’aan qaadasho la’aan ama xumo. Ta ugu dembeysa ee aan ku soo xidhayo faallada maanta, waxa ay tahay wafdiga toddobaadkan u baxay dhinaca Gobolka Sool ee isugu jira saddexda Wasiir ee ku cusub saxaadda siyaasadda ee Somaliland ee kala ah Wasiirrada Madaxtooyada, Daakhiliga, Arrimaha Gudaha oo lagu tilmaami karo in socod-barad ku yihiin siyasadda iyo Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ee la sheegay inay u baxeen kulan dhexmara Xaglo-toosiye, maxaa sababay in hal urur-siyaasadeed loo kaxeeyo arrin Qaranku ka tashigeeda wada leeyahay ee looga tagay madaxdii ururrada siyaasadda ee kale?.
Waxa iska cad marka arrimahan aan soo xusnay iyo kaloo badan oo halkan lagu wada xusi Karin la eego, lana axadho in xukuumadda Siilaanyo uu hoggaamiyo ay dhawr arrimood isugu biireen oo ay ugu horreeyaan waayo-aragnimo la’aan dhinacyada maamulka dawliga ah iyo siyaasadda sirdoonka oo lafa dgaqaajiyey xubnihii khibradda u lahaa arrimahan, siyaasad cad oo ku wajahan kooxahaa oo la mid ah tii ay ka lahaayeen xukuumadihii ka horreeyey oo ahayd in aan nabad iyo wada hadal toona marka hore lala gelayn cid kastoo ay qirsanayn Qaranimada ay hore iskula qaateen dhammaan beelaha Somaliland shirkii Burco ee 1991, balse wixii tabasho ah ka wada hadalkeeda la soo dhaweynayo, mid kalena waa go’aan qaadasho la’aan ama xumo.
Ta ugu dembeysa ee aan ku soo xidhayno faallada maanta, waxa ay tahay weftiga toddobaadkan u baxay gobolka Sool ee isugu jira Saddexda wasiir ee isku jeeniga ah (Wasiirrada madaxtooyada, maalliyadda iyo daakhiliga) oo ku cusub saaxadda siyaasadda ee Somaliland, laguna tilmaami karo in ay socod-barad ku yihiin siyaasadda iyo Guddoomiyaha xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe ee la sheegay inay u baxeen kulan dhexmara Xagla-toosiye, maxaa sababay in hal urur siyaasadeed loo kaxeeyo arrin qaranku ka tashigeeda wada leeyahay ee looga tegey madaxdii ururrada siyaasadda ee kale.?. Marka ay sidaa tahay, macquul iyo garba ma tahay in xukuumadda laga dalbo inay caddeyso sababta ay u xusheen hal Guddoomiye urur, siddeed kale-na uga tageen, mase abuuri karta kala shaki?.
Go’aannada iyo tallaabooyinka sababay in aanu waayo-aragnimo la’aan Maamul iyo siyaasadeedba ku tilmaano xukuumadda Siilaanyo tan ugu dembeysay ayaa tusaale u ah, sidaa darteed Madax-salaax siyaasadeed iyo dhaqaale oo kolba odayaal dhaqameed ama hoggaamiyaal kooxeed jiritaanka Qaranka diiddan, Dawo uma noqon karaan xaaladda qeybo ka mid ah Gobolka Sool iyo Buuhoodle, balse waxa ay u baahan yihiin go’aan iyo itijaah siyaasadeed oo ka duwan madax-salaaxa ay la timaad xukuumadda Siilaanyo.
Xasan Xuseen Keef-keef
Warqabadka Togaherer
Hargeysa, Somaliland