Mahiga oo ka waramay ka bixidii madaxweyne Sheekh Shariif ee shirkii Roadmapka iyo khilaafka soo xulida xildhibaanada Beesha Dhulbahante
Niarobi August 08,2012(SDN)-Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa dhaleeceen weyn u jeediyay saxaafada Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay ka been sheegeen in madaxweyne Sheekh Shariif isaga baxay shir dhawaan ay Niarobi ku yeesheen sexeexayaasha dhabaha Roadmapka loo yaqaan.
Shirka ayaa saxaafdu qoraal iyo muuqaalba ku soo saartay in madaxweyne Sheekh Shariif oo isaga baxay shirkaasi deetana Muqdisho u anbabaxay.
“Madaxweyne Shariif waxa uu Muqdisho u tegay arrimo muhiima oo uu furdaaminayay,shirkana waxa uu ku dhamaaday is af garad”ayuu yiri Mahiga.
Mahiga ayaa sheegay in sexeexayaashu ay kulankooda uga doodeen dhawr qodob oo muhiima isla markaana ay isla qaateen goaamo wax ku oola.
Ergeyga ayaa waxa uu sheegay in Shirku qaatay mudo ka dheer intii hore loogu qoondeeyay ka dib kolk