|

Saxaafada oo la xanibaa waxa ay ka dhigan tahay yaan la xisaabtamin(Xanibaadyada la saaray Qurbejoog,waagacusub,iyo halbeegnews)

London August 07,2012(SDN)-Waxa haatan soo shaac baxaya in xoogag iskaashaday ay xanibaad saareen qaar ka mida baraha Internetka Soomaalida ee aan ka waaban ka hadalka xaaladaha xasaasiga ah ee dalka ka jira.

Dahabshiil oo kaashanaya dawlada Jabuuti ayaa amaro xanibaada dul dhigay shirkadaha isgaarsiinta dalka ee maanta horted moodayay in Jabuuti oo laga keeeno Internet in dani ugu jirto.

Shirkadaha ayaa maanta ogaanaya yaraanta madaxbanaanida ay heystaan iyo sababha dawlada Jabuuti ugu dagaalameysay in isgaarsiinta Somaliland xaruntoodu Jabuuti noqoto.

Waxa caadi ah in dadku aaney baahinta noocana u arag mid muhiima ama loo baahan yahay,waxa iyana taa ka sii muhiimsan in dad badani ay indhaha ku kala qaadaan marxaladaha xaqiiqiga ah ee siyaasadeed iyo kuwa ganacsi ay ku hoos nool yihiin.

Kolka la yidhaahdo ka hadalka xaaladaha jira,waxa xaqiiqa in cid waliba si u fasirato,tusaale ahaan wararka xaqiiqda ku saleysan ee tixraaca saxafadeed leh oo la baahiyaa waxa ay qeyb ka tahay la xisaabtanka ummadi ay masuuliyiinteeda la gasho.

Hadiise la kala garan waayo,dhaliisha waajibka ah ee saxaafada saaran iyo wixii ka baxsan xadka waxa imaneysa in la isla qasto oo cidii roon reerka u harto.

Xanibadaha ayaa imanaya xili aanu ummada u soo ban dhignay khaladaad aanu isu tusnay in ay mudan yihiin in mujtamicu uu ka xaajoodo saameyntooda.

Hadiise taasi jawaabteeda ay noqotay inta igu hoos nool u ogolaan maayo in ay khaladaadkeyga ogato,waxaan filayaa in haatan casriga la marayo uu saamaxayo in ummada siyaabo badan loo gaaro.

Hadii saxaafada lagu khasbo Jabhadeyna waxa lumaya miisaankii iyo wax toosintii,waxaana lagu khasbanaan doonaa in laga talaabo deyrka aad dumiseen.

SDN-London

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed