Masuuliyiinta Somaliland iyo lacagaha u yaal Dahabshiil,hadalheynta boobka Hantida Ummadda(Warbixino taxane ah)
London July 24,2012(SDN)-Waxa dhawaan Internetka lagu shaaciyay xogta macaamiisha Dahabshiil Bank ka dib kolkii ay kooxda Anonymous ay weerar jac ku siisay Computerada shirkadaasi.
Hadalheynta ugu badnina waxa ay ka dhalatay Hantida qaar ka mida shaqsiyaad ka tirsan xukuumada Somaliland.
Sidoo kale waxa iyana fajiciso ku noqotay dakii u kuur galay xogtan la soo bandhigay ururada aan dawliga aheyni hantida u ceegaagta Dahabshiil Bank iyada oo dalka ay ka jiraan abaaro iyo duruufo kale oo wax ka qabad u baahan.
Hadaba ka dib kolkii aanu derisnay xogtan ayaanu goaansanay in aanu idiin soo guddbino xogtan,iyada oo aanu kolba eegi doono shaqsi ama urur.
Ha moogaanin in aad la socoto taxanahan oo aad ka heli doonto xog kaaga jawaabta halka hantida ummaadu marto.
SDN-London
contact@somalidiasporanews.com