|

Madaxweyne Shariif:waan ku kalsoonahay in dib la ii dooranayo

Muqdisho July 24,2012(SDN)-Madxweynaha Dawlada KMG ah ee Soomaaliya Md Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in uu si weyn ugu qanacsan yahay in kolka xilga uu ka dhamaado dib loo dooran doono, Madaxweyne Shariif ayaa sidaa ku sheegay wareysi u siiyaybarta Internetka eeĀ  AFP.

Madaxweyne Shariif iyo dawlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa waxa uu xiligu kaga eg yahay bisha August ee ina heysa.

Qaramada Midoobey ayaa haatan ku hawlan sidii loo meel marin lahaa hanaan cusub oo KMG looga saarayo Soomaaliya.

“Waxaan ahay musharax culus oo ku kal soon in dib loo doorto August”ayuu yiri Shariifku.

Madaxweyne Shariif ayaa ka mid ahaa masuuliyiin dhawaan lala xiriiryay musuqmaasuq baahsan oo lagu eedeeyay madaxda ugu sareysa DFKMG ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa eedaha lagu xusay warbixinta kooxda QM ee la socodka Soomaaliya waxa uu ku sheegay mid aan sal iyo raad leheyn.

Saxibka weyn ee madaxweynaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan ayaa qudhiisa u sharaxan xilka madaxweynenimada Soomaaliya.

Doorashooyinka ayaa lagu wadaa in ay qabsoonto bisha Augost 20keeda ka dib kolka la soo xulo xildhibaanada Baarlamaanka.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed