|

Shir lagu faaqiyado wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya u bilaabmay oo ka furmaya Hargeysa

Hargeysa, 23, July 2012 (SDN)- Kulan lagu faaqiyado wada-hadala dhowaan u bilaabmay Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa lagu wadaa inuu todobaadkan ka furmo caasimadda Hargeysa.

Shirkan oo uu qabanqaabadiisa leeyahay ururka SORADI oo ka mid ah kuwa maxaliga ah, waxa sida qorshuhu yahay uu socon doonaa muddo laba maalmood ah. Sida lagu sheegay qoraal hordhac ah oo SORADI soosaaray, shirku waxa uu diirada saari doonaa afar qodob oo ku saabsan; sooyaalkii taariikheed iyo midowgii labada dhinac; marxaladii 20-kii sannadood ee u dambeeyay ee Somaliland, wada-hadala labada dhinac, waxa uu dhinac kastaa doonayo, caqabadaha iyo fursahada jira iyo arrimo la xidhiidha Somaliland iyo horumarka mandaqada Geeska Afrika.

Qoraalkaas oo uu soosaaray Agaasimaha SORADI Dr. Maxamed Cusmaan Fadal, waxa uu u dhignaa sidan; “Bilihii ugu danbeeyay waxa si xawli ah ku bilaabmay wada hadaladii inta badan la sugayay ee u dhaxeeyay Somaliland iyo Somaliya oo ku bilaabmay laba kulan oo rasmi ah oo ka dhacay London saddex bilood gudahood. Arintani waxay u muuqataa in laga gudbay wakhtigii ay dambiga qaran ahayd in lala hadlo amma lala macaamilo Somaliya. Waxa la sameeyey shuruuc si looga hortago sheegasho kaga timaada Somaliland dhinaca Somalia iyo in la xakameeyo isfurnaashaha siyaasadeed oo aan laga wadatashan. Waxa la aaminsanyahay in weli ruuxii qaranimo ee dawladii burburtay ee Somalia ay wali taalo Muqdisho marka la eego sida bulshada Caalamku qabto, gaar ahaan iyadoo aanay jirin wax muuqda oo dhexe oo badeley taa hore. Hase ahaatee waxaa lagu doodaa in wax baddeley ay jiraan: in awoodii Qaranimo ay ku filiqsantahay xukumo ka abuurmay burburkii Dawladii Somalia. Xukumadaa ka farcamay burburkii dawladii dhexe ee Somalia waxay awood u yeesheen maamulka bulshooyin iyo dhul ka baaxad wayn inta dawlada Muqdisho fadhido. Sidaas daraadeed Somaliland waxay meel gaar ah ku leedahay dawladahaas ka soo baxay burburkii dawladii Somalia.

Dawladda Cusub ee Somaliland asaaskeedu wuxuu ku qotomaa laba qodob oo muhiim ah: 1. Halgankii Hubaysnaa ee jabiyay Kaligii taliskii Siyaad Bare, awoodna ku xoreeyay dhamaan dhulka Somaliland iyo 2. Xaqiiqda taariikheed ee in Somaliland ahayd dawlad madax-banaanideeda ka qaadatay Ingiriiska 1960kii sida dawladihii kale ee Qaarada Africa, taas oo lahayd xuduudaheeda cayiman iyo muwaadiiniinteeda, labadubana ay ku qeexanyihiin heshiisyo caalami ah. Iyagoo ku hubaysan xaqiiqooyinkaas, dadka reer Somaliland waxay ku aasaaseen dawlad cusub Shirwaynahii loo dhamaa ee Beelaha, ee ka dhacay Burco 18kii May, 1991.

Dawr iyo-labaatnkii Sanadood ee ka dambeeyay Shirkaas, korriinka Somaliland wuxu maray saddex marxaladood oo kala qormaysan: Marxaladii dhismaha dawladnimada hore iyo nabadaynta, Marxaladii Dimuqraadiyadaynta iyo ku dhaqanka hab dastuuri ah, iyo Marxalada hada socota ee kasbashada Aqoonsi Caalami ah. Haddaba marxalad waliba waxay ku suntayahay isku-tashi iyo u-midow si loo gaadho hadaf calaamadsan. Khilaaf adag oo Gudaha ahi wuu yaraa  markii la soo dhaafay kii 1994-96. Labada Marxaladood ee hore waxa cad in si guul ah lagu fuliyay, halka Marxalada “ Aqoonsigu” tahay arinta maanta diiradu saarantahay. Ka go’naanshaha arintan ka midhdhalinteedu waxay si cad uga muuqataa wada-hadalada nabada ku dhisan ee ay Somaliland la furtay Somalia, iyo xaqiiqda in ugu danbayntii Dawlada Somaliland iyo dadkeeduba albaabada u fureen darbigii ay isku wareeginyeen si ay uga dig-toonaado in su’aali ka timaado himilada gooni isu taaga iyo madax-banaanida ay doorteen.. Maanta, waxa dawlada Somaliland iyo dadkeeduba diyaar u yihiin inay miiska kula  hadlaan walaalahooda Somalia sidi laba garab oo siman.

Sidaa daraadeed, sida dhaqanka Somaliland ahaa, waa inuu jiraa dood iyo wada tashi xoogan oo gudaha ah oo ku aadan wada-hadalada Somalia iyo Somaliland iyo himilada laga rajaynayo. Hadaba Marxaladan lagu jiro awgeed, SORADI waxay u dooratay arintan Mawduuca shir-sanadeedkeeda 3aad ee Horumarka Somaliland. Baaqan qoraalada shirku (Call for Papers) wuxu si gaar ah ugu waajahanyahay Aqoonyahanada, cilmi-baadhayaasha, Siyaasiyiinta, Bulshada Rayidka ah, Masuuliyiinta Dawladda iyo Qurbajooga. Shir-sanadeedku waxa uu u furnaan doonaa codad iyo afkaar kala duwan ee ku saabsan arinka:  Aqoonsiga Somaliland iyo Waxyaabaha suurto galka ah ee kasoo bixi kara wada hadalada Somaliland iyo Somaliya.

Afartan Qodob ee soo socdaa ayaa noqon doonaan ubucda shirka: soo bandhigyada iyo doodaba:

Qodobka 1aad: Sooyaalka Taariikheed, waaya-aragii isku-darka iyo doodaha la xidhiidha gooni-isutaagga.

Qodobka 2aad: Ka kor labaatan sano oo Madax-banaani aan la aqoonsanyn iyo xaqiiqada bulsho, dhaqaale iyo siyaasadba ee ka dhalatay korriinka oo ka midyihiin, aynse ku koobnayn kuwa gobolada Sool iyo Sanaag Bari.

Qodobka 3aad: Wada-hadalada Somaliland iyo Somaliya: Waxa uu doonayo dhinac kastaa in uu gaadho, iyo caqabadaha iyo fursadaha horyaala labada dhinacba.

Qodobka 4aad: Arimaha kale ee la xidhiidha Somaliland iyo Horumarka Mandaqada Geeska.

Shirku waxa uu ka dhacayaa Hargeisa, Somaliland 27-28 October, 2012.

Fadlan lasoo xidhiidha wixii macluumaad dheeraad ah iyo soo gudbinta qoraalka hordhaca ah (abstract): Dr. Mohamed Fadal(mohdfadal@yahoo.ca).”

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed