Goorma Kuugu Dambeysey Xiddigii Reer Kamiroon Roger Milla
Kamiroon-July-23-2012-qurbejoog.com-Saaxiibayaal qormadeena ciyaarha waxaynu maanta ku falanqeyneynaa taariikh nololadkii xiddigii baresamaadkii ee reer kamiroon Roger Milla.
Roger Milla wuxuu ku dhashey magaalo Madaxda Yaounde sannadkii 20-may-1952,wuxuuna la noolaa aabihiis oo markaa ka shaqeyn jirey wadooyinka tareenada.
Haddaba naadigii ugu horeeyey ee uu usaxeexay inuu u ciyaaro isaga oo 13-jir ah wuxuu ahaa (Douala) 18-jirkiisiina wuxuu ku guuleystey horyaalkiisii ugu horeeyey(Championship).
Roger Milla oo qarnigii labatanaad mucjisa ahaa 70-diina gilgiley Afrika ayaa 1974 u wareegey Tonnerre Yaounda,waxaana la gudoonsiiyey abaalmarintii ciyaaryahankii ugu fiicnaa Africa footballer.
1977-dii Milla wuxuu u ruqaansadey France kuna biirey naadiga Valenciennes,laakiin labadii sanno uu la joogey waxay ku ilowbeen kursiga kaydka (Reserves Bench) 1979 wuxuu u qaxay naadiga As Monaco taana la walbahaarsadey dhaawacyo badan,sannadkii ku xigeyna oo aha 1984 miciin moodey Stardom Saint -Etienne,akhirkiina 1986 ilaa 1989 wuxuu ku agdaalaa dhacay Montpellier kana mid noqdey tababarayaashii naadigaa.
H-Akhyaartay laacibkan oo u soo kifaaxay wadankiisa Kamiroon ayaa loo magacaabey qaranka National Team 1978,safteyna koobkii kubadda cagta ee aduunka 1982,iyo olombigii lagu qabtey Los Angles 1984.wuxuuna ku caan baxay goolashii uu ka dhaliyey Peru iyo Colombia kuna dul niikinayey calanka coonaha.
Saaxiibayaal anoona halkan ku soo koobin karin halyeygii reer kamaroon taariikhdiisii waxaa xusid mudan Roger Milla inuu ahaa EBED ciyaaryahankii ugu dada weynaa ee ciyaarey koobkii kubadda cagta ee aduunka ee lagu qabtey Mareykanka 1994,kana dhaliyey gool Russia,da’diisuna waxay ahayd 42-jir,rikoodhka Fifana wey ugu jirtaa.
Roger Milla 2004 waxaa loo magacaabey Fifa-100 ,liiska 125-ka ciyaartooy aduunka ugu fiican.
W/D-Jaahuur
qurbejoog.com