|

Kulan ay yeelanayaan Gollaha Dhexe ee UDUB oo la mudeeyay

Hargeysa July 22,2012(SDN)-War saxaafada loogu talo galay oo ay maanta soo saaray ku-simaha Xoghayaha guud ee xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB Md. C/Xaliim Maxamed Muuse  ayaa lagu sheegay in la mudeeyay kullanka gollaha dhexe ee xisigaas.

Qoraalka ku-simaha xoghayaha ayaa u dhignaasidan;“Aniga oo tixraacaya soo jeedintii guddida fulinta xisbiga UDUB ee ku taariikhaysnayd 20 June 2012 iyo go’aaminta guddoomiyaha xisbiga (Ref: JSL/G.UBUB/F-121/07/12 taariikhaysan 17-kii July 12.

Guddida fulinta iyo golaha dhexe waxaan ku dhawaaqayaa kuna wargelinayaa xubnaha golaha dhexe iyo bahweynta xisbiga UDUB in la qaban doono shirkii golaha dhexe kaasi oo lagu qaban doono magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland 25-ka August 2012.

Sidaasi darteed shirkaasi oo muhiim u ah dhismaha iyo dardrgelinta xisbiga UDUB oo in muddo ah uu ka dhex jiray khilaaf dhexdiisa ahi, waxaan ku adkaynaynaa xubnaha golaha dhexe meel kasta oo ay joogaan inay isu diyaariyaan ka qeybgalka shirkaasi”.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed