|

Madaxweynaha Somaliland oo dhambaal tacsi ah u diray Ciidanka Asluubta

Hargeysa 22, July 2012 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dhambaal tacsi ah u diray ciidanka Asluubta, ka dib geeridii taliyihii ciidanka Asluubta ee gobolka Togdheer.

Sida lagu sheegay dhambaal kooban oo Afhayeenka Madaxtooyadu soosaaray, Madaxweyne Siilaanyo waxa uu marxuumka Allaah uga baryay inuu u naxariisto, wuxuuna dhambaalkaasi u dhignaa sidan; “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa, Ciidanka Asluubta JSL, sidoo kale waxa uu ka tacsiyadaynaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, Geerida ku timid Taliyihii Ciidanka Asluubta ee Gobolka Togdheer MARXUUM JAAMAC AXMED QODAX, (JAAMAC DHEEG) oo ku geeriyooday Dalka Ehtiopia 22/07/2012.

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Ciidanka Asluubta JSL, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.”

Qurbejoog.com, Hargeysa

Comments are closed