Saleemaan Cawar Ayaa Ka Masuul Ah Dhagarta loo Gaystay Qore Maxamad Abiib
Taariikhdu markay ahayd labaatankii bishan ayaa koox maleeshiya ah oo u soo kiraysatay Saleemaan Cawar weerar ku soo qaadeen Maxamad Abiib oo ah wiil dhaliyaro ah oo awooday inuu baryahan dambe si isdaba-joog ah u qoraayay maqaalo dib u dhaca iyo maamul xumada Jamacada Camuud ka hadlaayay. Kooxda Saleemaan Cawar u adeegta waxaa hogaaminaayay nin ay ilma adeer yihiin oo la yidhaa Muuse Kaadhiin oo horey u ahaan jirey taliyaha Boliska Borama iyo labo dhalin yaro ah oo u watay ninkaasi. Maxamad Abiib oo wakhtigaas ka soo baxay masaajid ayay weerar ku eekaysiiyeen kooxda Saleemaan Cawar soo adeegsadey, dhawacyo xun ayay wiilkii xaqa ka hadlaayay loo gaystay, dabadeedna saddexdii nin way baxsadeen sida boolisku shhegaayo.
Dadkii falka gaystay iyo kii soo direy oo Saleemaan Cawar ah midna lama hayo. Waa aduun marooree dadka xidh-xidhan waa dhibanihii iyo laba waalid u ah kuwii wax weeraray oo maalintii labaad ku jira jeelka. Arrintan oo caqliga fayoob fahmayn ayuu maamulka boolisku xal u haystaa laakiin waa cadaaladii oo lagu cageeyay.
Warar sugan oo Boorama ka soo baxaaya ayaa cadaynaaya in Muuse Kaadhiin ku dhuumanaayo guriga Saleemaan Cawar. Wasxaase lays waydiinayaa wuxuu Bolisku u soo qaban laayahay Saleemaan Cawar oo marka ay ugu yartahay su’aalo loo waydiin waayay? Boolisku ma wuxuu garan laayahay sobobta Maxamad Abiid loogu soo duley. Ragga gacanta saaray iyo dhibanaha maxaa ka dhexeeyay? Waxa qudha ee maleeshiyada Saleemaan Cawar iyo Maxamad Abiib isku keeni karaa soo maaha maqaaladii runtu ku xardhanayd ee Maxamad Abiib qoray, Saleemaan Cawarna jawaabta u waayay? Kiisku bilowgiisu waa halkaas waxa marinkaa loo mari waayayna waa la garnkaraa.
Ma xaqiiqadaa cad ayuu booliska Borama garan laayahay mise Saleemaan Cawarbaa gaadhsiiyay lacagtii jamacada ee siduu doono ugu takrifalaayay ee horeyna uu ugu aamusiiyay Saxaafada Somaliland qaakood?
Masuulka kaliya ee falka argagaxiso waa Saleemaan Cawar, isagaana mudan in la soo qabto waayo kuwa falka gaystay waa shaqaale amar qaadanaayay markaas ama ha maqnaadeen ama ha dhuumalaystaane, horta Cawar.
Caadi ahaan marka fal dambiyeed dhaco, boolisku waxaa u soo ifbaxda falal dambiyeedyo qarsoonaa. Arrintan haddii si fiican loo baadho, ka sakow dambiga laga galay Maxamad Abiib ee dhagarta ah, waxaa soo baxaaya dambiyo kale oo Saleemaan Cawar galay oo kale ah:
- Abuuris maleeshiyo beeleed hubaysan
- Lunsasho xoolo dadweyne
- Dambiyo laga galay waxbarshada
- Musuqmaasuq lagu sameeyay iskoorlarship-yada ardayda
- Laaluush bixin madaxda Waxbarasho si aan loogu fiirsan Amoud University
Iyo hawlo kaloo badan….
Dhacdadan waa mid masuul kaliya leh, masuulkaas oo ah kan soo abaabulay shirqoolka, waana Saleemaan Cawar oo ogsoon wuxuu u dagaalamaayo. Wuxuu ogyahay in taniyo markii la aas-aasay Camuud inaan cidna xagiisa daymoon. Wuxuu ogyahay inaan cidna la xisaabtamin. Wuxuu ogyahay inuu lacagtii fiida ee ardayda danyarta siduu doono ka yeelo isagoon waxbarashadooda iyo karaamada Jamacada midna u danayneyn.
Maxamad Abiib waa muwaadinkii u horeeyay ee si raganimo leh, si geesinimo leh, si wadaninimo ku jirto farta uugu fiiqay foolxumada Saleemaan Cawar wado iyo dhibta dhabarjabka ah ee uu kula kacay wixii ugu sareeyay ee ummadu eeganaysay, waa Jamacada Camuude.
Maxamad Abiib wuxuu taabtay boog Saleemaan Cawar qalbiga kaga taal, sidaas awadeedna wuxuu go’aansadey inuu aamusiiyo Maxamad Abiib oo bulshada Jamacada leh u noqdey iftiimiye.
Hoygii aqoonta ayuu Saleemaan Cawar ka dhex abuuray maleeshiyo beeleed hubaysan oo dannaha Saleemaan ilaalisa. Waxaan ognahay inaan gudoomiyaha jaamacada Muqdisho cidna ilaalin, Xamarna way ku taal, jaamacadahana way ugu horaysaa! Saleemaan Cawar isagu wuxuu ogyahay dhibta u gaystay inayna yarayn markaas inuu maleeshiyo samaysto waa mid meesha taal. Inuu dil u badheedho la yaab ma leh, waayo waxaan ognahay in Saleemaan Cawar hal doolar jeebkiisa ku jirin maalintii jamacada loo dhiibay maantana inuu Somaliland oo idil aamusiiyo ayuu socdaa.
Haddaan dawladu si degdeg ah arrintan u soo faragalin waxaa shiki la’aan imanaysa in bulshadu iyadu cadaalada ilaashato xaqana u dirirto. Maxamada Abiib wuxuu labo maalmood xoriyadiisu uga maqantahay waa xaqdaro, kii shirkoolka u soo maleegayna inuu xor ahaado waa xaqdaro. Taasi cadaalad ka dheer haddii Saleemaan Cawar sharciga la horkeeni waayana wixii ka dhaca ama ka yimaad cidda dusha ku qaadanaysaa waa dawlada iyo booliska Boorama ee xaqa ka warwareegaya.
Xeegonews