Shinji Kagawa oo Riyadiisii Rumowdey.
Japan-JULY-22-2012-qurbejoog.com-Akhyaartay barnaamijkeena ciyaaraha waxaynu maanta ku lafagureynaa xiddigga reer Japan Shinji Kagawa oo nasiib u yeeshey in uu ka midnoqdo Man-United xagaagin.
Haddaba xiddiggan Kagawa oo 23-jir ah kana ciyaara khadka dhexe ayaa warbaahinta u sheegey inuu aad ugu faraxsanyahay ka mid noqoshada Red Divels.
Kagawa oo ka soo hayaamey Boruusia Dortmound soona cagadhigtey Trafford ayaa ku nuuxnuuxsadey inuuna sugin kareynin inta uu ka gashanaayo funaanadda cas ee Sheydaamada cas-cas.
Laacibkan ayaa sheegey inuu ku faraxsanyahay ka mid noqashada M-United,wuxuuna intaa raaciyey inuu horumar ku sameeyo habciyaarkeyga soona jiito tageerayaasha reer M-United.
Saxiibayaal caqabadda weyn ee laacibkan hortaagan waxy tahay luqaddii ingiliishta oo dhibeysa,laakin tababarihiisa Sir Alex Ferguson ayaa intaa raaciyey inuu bilo yar gudahuud ku baran doono afafka Ingliishta iyo Scotishka.
W/D Jaahuur
qurbejoog.com