Obama oo sexeexay sharci is hortaagaya ka ganacsiga Dhuxusha Soomaaliya,islamarkaana cunaqabateynaya cidii ay musuqmaasuq ku cadaato
Washington July 21,2012(SDN)-Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa qalinka ku duugay sharci mamnuucaya ka ganacsiga Dhuxusha Soomaaliya ee dunida loo iib geeyo.
Sharcigan oo daba socda qaraar ay Qaramada Midoobey soo saartay oo lagu mamnuucayay ka ganacsiga Dhuxusha ayaa haatan Mareykanku dhaqangeliyay.
“Joojinta ka ganacsiga dhuxushu waxa uu hoos u dhac ku keenyaa dekhliga Shaabka soo gala oo intiisa ugu badan uga soo xarooda ka ganacsiga Dhuxusha”ayaa lagu yiri war ay soo saartay wasaarada arrimaha dibeda ee Mareykanka.
Sharcigan haatan uu sexeexay Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa sidoo kale waxa uu cunaqabateyn saarayaa hantida cid alle iyo cidii ay ku cadaato Musuqmaasuq iyo dagaal oogenimo.
Ma cada sababta shuruucdan haatan loo meel marinayo iyo ujjedada ka danbeysa,waxaney ku soo beegmayaan tiyoo dhawaan ay kooxda QM u qaabilsan la socodka Soomaaliya ay shaacisay xog tibaaxeysa in masuuliyiinta sare ee DFKMGku ay lunsadeen hanti.
SDN-Washington
contact@somalidiasporanews.com