|

BAAQ AY SOO SAAREEN GUDIGA NABADA GELYADA U QAABLISAN BEELAHA IRIR SAMAALE

July 12,2012(SDN)-Gudigan oo ka mid ah GUDIGA SAMAFALKA iyo MIDEYNTA Beelaha Irir Samaale ayaa maal’mahanba  shir uu fadhiyey Ay Kala joogeeyn daafaha Aduunka ay ku wada had-layeeyn Tel’foon guud.

GUDIGA UU QAABLISAN NABADA BEELHAAS IRIR Samaale waxaay soo Saareeyn qodobo laga fiirsaday iyo Tallooyin ay ka mid ahaayeen;

1)–in Madaxda Gobolka Gal -Mudug iyo Ximin iyo eeb,Salaadiinta,Cuqaasha,Odayaasha, siyaasiyiinta iyo culimada Beelahaas Irir Samaale ee Jiidahaas degan in ay dar-dar  geliyaan waxqabad la taaban karo oo dadweynaha loona horseedo Waxbarsho iyo Horumarisla markaana Loo sheego inay Dhulkooda Aaminaan aan Dagaal iyo colaad Loo horseedin iyo Tafaraauq beelo beelo loo kala fadhiisto.

2)-U dul –qaadan maayaan Gudigan Nabada u qaablisan Irir Samaale in Caasimada Muqdisho  Somaliya meel kale looga Raro  Magaalada Gaalkacyo iyo Meelo kaleba,isla markaasna
Ummada Degan Gobolada Jubooyinka aan lagu majara habaabin In Maamulo laga dul sameysto  Aanay ogeeyn Dawdweynhu.

3)– Una dul qaadan mayaan Urunkan GSMI in ay faro Geliyaan  Beelaha darood Gobolada iyo  deegamooyinka Bariga Somaliland oo la jebiyo qodobadii Dib uu heshiisnta Harti-Darood iyo Isaaq Bari 1991.Iyo Heshiiskii dhawaanta dhexmaray Dawlada KMG ah ee Soomaaliya iyo Dawlada Somailand,heshiiskaas oo nuxurkiisu ahaa in cidii fidno wada meel looga soo wada jeesto, Nabadana la Ilaaliyo.

4)–Gudigani waxay ka codsanayaan Madax-weynaha Somailand Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Ku Xigeenkiisa  Md Cabdiraxmaan Seyliciin Boqor Cusmaan Aw-Maxamuud BuurMadow oo Maxamada Gobolka hargeysi sanad ku xukuntay La sii daayo oo xornimadiisa loo soo celiyo.

GUDIGA NABADA uu qaabilsan  Beelaha IRIR Samaale waxay sheegeeyn in dhowaan la macag caabi doono GUDI ka hawla gala Gobolada iyo Deegamada Ilaa  Tuulo Beelaha IRIR Samaale ay degaan ee ka Madax –bananada Xukuumada Somaliland Iyo dhulka ay ka arimiyaan Xukuumadaha Koonfur Somaliya,Xukuumada Jabuuti,xukmmada Dawladaha Ethoopia iyo Kiinaya kuwaas oo ay soo magcaabi doonaan  Dadweynnuhu Dadka ay kal-soon yihiin.

GUDIKA XIDHIIDKA BEELAHA IRIR SAMAALE

Waxay soo saareeyn qodobo ku haboon in Qof kastoo Ka Soo Jeedaha beelaha IRIR ay u furantahay in ay ku soo biiraan GSMI,Rag iyo Dumarba Ayna La soo Xidhiidhaan
Samaalegroup@hotmail.com

Beelahaas Irir samaale  Taalo iyo Tus’aalba inay figradooda soo dhiibtaan waa laga maar- maan ururkan isku baheystay Beelaha IRIR  Samaale waa Beelo jira yaan Taariikhda la mara
habaabin Beelaha DIR+ HAWIYE = Irir Saamaale dhowaana waxaa la furi doonaa SHAASHAD ama WEB iyo Idaacad Maqal iyo Muqaalba leh Sanadkan  oo Hawada soo  geli doona dhawaan.

GUDIGA SAMAFKA IYO MIDEYNTA uu QAABILSAN IRIR SAMAALE Waxay ka codsanayaan Dadweynaha IRIR in ay soo Sameeyaan Astaan lagu garto GSMI,waanu  heynaa Astaan laakiin waxaan u Soo Bandhigeyna  dadweynaha  Irir Samaale,qofkii keena astaan ama Sawir Fiican waxaa la siinaya hadiyad fiican khaasatan kaalimaha 1aad,2aad iyo 3aad.

Calamadsi waa inaan ahaan Calan iyo Gobol  iyo Deegaamo

AFHYEENKA BEELAHA IRIR SAMAALE

MOHAMED MUUSE ALI CANADA TORONTo, ONTARIO

Cawad-22@hotmail.com

Comments are closed