Samafaleyaal Kiinyan ah iyo Doctor Soomaali ah oo Gaalkacyo lagu Afduubtay
Gaalakacyo July 12,2012(SDN)-Waxa magaalada Gaalkacyo lagu afduubtay laba Samafale oo reer Kiinya ah iyo Doctor Soomaali ah,sida ay xaqijiyeen ha’yada ay u shaqeynayeen in saraakiisha Policeka ee magaaladaasi.
Afduubka ayaa ka dhacay degaanka Baadweyn oo woqooyiga ka xigta magaalada Galkacyo,halkaa oo ilaaladii samefaleyaasha la socday lagu rasssaaseeyay.
“Waxa shalay gelinkii danbe duleedka Gaalkacyo laga afduubtay laba samaefaleyaal oo Kiinya u dhashay iyo Doctor Soomaali ah,kolkii hore waxa aanu moodnay in Burcad badeed,balse waxaan ogaanay in meliishaad kale ay afduubteey dadka”sidaa waxa yidhi sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska Gaalkacyo oo saxaafada u waramay.
Shaqaalahan ayaa u sheqeynayay Ha’ad Swidish ah oo la yidhaahdo IAS,waxaaney Puntland u joogeen hawlo samafal.
Ha’yada oo hadal ay maanta gelinkii danbe ay soo ratay ariinta uga hadashay ayaa sheegtay in dadka la Afduubay ay ahaayeen sadex ruux oo u dhashay dalka Kiinya.
Soomaaliya ayaa afduubyada samefaleyaashu ay yihiin qaar soo noqnoqda.oo cidi aaney waxba ka qaban.
SDN-Gaalkacyo
contact@somalidiasporanews.com