|

Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom oo daah-furtay adeegga isku-xidhka farriimaha Emailka iyo Mobile-keeda (Email-to-Mobile Services)

Hargeysa 9, July 2012 (SDN)- Shirkadda ugu wayn Isgaadhsiinta gobolka ee Telesom, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furtay adeegga casriga ah ee isku-xidhka farriimaha Emailka shirkadda Gmail ee Google (Gmail accounts) iyo Mobile ka shirkadda Telesom.

Adeeggan oo cusub oo loogu magac-darray GMAIL-SMS CHAT, waxa uu u suurtogelinayaa in farriimo bilaash ah ay isticmaalayaasha emailka Gmail u diri karaan Moobilada shirkadda Telesom, si ay u fududayso xidhiidhka bulshada dalka jooga iyo eheladooda dibaddaha ku dhaqan.

Masuuliyiin ka tirsan shirkadda Telesom oo warbaahinta la hadlay, waxay faahfaahin ka bixiyeen faa’iidooyinka adeeggan sahlaya in si lacag la’aan ah oo fudud ay isugu jawaabaan dadka isticmaalka Emailka Gmail iyo dadka sita telefoonka gacanta ee Telesom.

Adeeggani waxa uu ka dambeeyay heshiis ay dhowaan wada galeen shirkadda caalamiga ah ee Google oo laga leeyahay Maraykanka iyo shirkadda Telesom, iyadoo Somalilandna ka dhigtay dalkii 3aad ee Afrika ku yaala ee adeeggan suurtogeliya.

Madaxa Xidhiidhka Dadweynaha & Daryeelka Macaamiisha, Mr. Mustafe Aadan Muuse oo ka hadlay shirkaasi jaraa’id, waxa uu sheegay in adeeggani uu ka mid yahay adeegyada loo yaqaano Value Added Services, oo ah adeegyo dheeraad ah oo macaamiisha loogu daro adeegyadii lafdhabarta ahaa ee sida codka, Zaadka iyo internetka ee ay ku isticmaali jireen moobilkooda.

Mr. Mustafe Aadem waxa kale oo uu sheegay in ay hore u jireen adeegyo VAS ah kuwaasi oo ay ka mid yihiin barnaamijka AqoonMaal, oo ay macaamiishu kala socdaan wararka iyo macluumaadka kale ee faa’iidada u leh. Waxa kale oo sharaxaad ka bixiyay Adeegga Shaafi, oo ah barnaamij caafimaad oo loogu talogalay hooyada uurka leh.

Madaxa Xidhiidhka Caalamiga ah ee Shirkadda Telesom Mr. Cadnaan Daahir Muxumed oo isna hadal ka jeediyay halkaas, waxa uu sheegay in shirkaddu ay xidhiidho ganacsi la leedahay shirkado kala duwan oo ka mid ah Adduunka, gaar ahaan qaaraddaha Eeshiya iyo Yurub; kuwaasoo ah shirkadaha soosaara qalabka isgaadhsinta casriga ah iyo shirkadaha kale ee telefoonda dibadda. Waxa uu sheegay in xidhiidhadaasi ay muhiimad u leeyihiin sidii ay macaamiishoodu u heli lahaayeen adeegyo tayo leh oo adeegsigoodu saamaxayo baahiyahooda gudaha iyo dibadda intaba.

Madaxa Xidhiidhka Caalamiga ah ee Telesom waxa kale oo uu sheegay in ay jiraan wadamo badan oo ay ugu muhimsan yihiin kuwa ay bulshada Somaliland ku xidhan tahay oo ay ka hirgeliyeen 2 sanno horteed oo ah adeegga loo yaqaano Mushaax, kaasoo suurtogelinaya in macmiilku uu moobilkiisa Telesom la tago meelkasta oo adduunka ka mid ah; isla markaana ay qurbajoogga reer Somaliland la iman karaan wadanka jibabka telefoonadooda gacanta ee dibadda oo ay kaga hadli karaan Network-ga shirkadda Telesom.

Mr. Cadnaan waxa uu tilmaamay in adeegga GMAIL-SMS CHAT loogu talogalay qurbajoogta ah, si ay si joogto ah ugula xidhiidhaan ehelkooda ku sugan wadanka ee isticmaalka moobilka Telesom. Sidoo kale, waxa uu xusay in adeeggan cusub loogu talogalay dhallinyarada oo si fudud ula qabsan og teknoolajiyadda, isla markaana jeebkoodu yar yahay oo ka faa’iidaysanaya farriimahan bilaashka ah.

Waxa kale oo GML SMS ka faa’iidaysan doona goobaha Waxbarashada, Caafimaadka iyo goobaha kale ee bulshada ee Somaliland.

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed