DHALEECAYN BAA LAGU XIDHAY B/MADOW SIILAANYO IYO FAYSALBA WAA KUWII DHALEECAYNAYEY MDXDA SHALAY YAA XIDHAY QODOBKA 68YAA KU QAADAY?
(Dhaleeco kastoo laguu soo jeediyana ha u qaadan cadaawad)
DHAMAAN MAHAD ILAAHAY BAA ISKA LEH
DHamaantiin waad salaaman tihiin akhyaarta sharafta badan iyo wariyayaasha heegan ee wararka qumaatiga u warinayaba
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ceebtaaday kow ogtahay kun looma sheego xusbigana talada dalka hayaa maalinba tuu la yimaadaa tii kale ka daran
Shalay waxaan goob jog u wada ahayn siilaanyo oo dhaleecaynaya riyaale wax sax ahaaba iyo wax khalad ku ahaaba waxaan goob jog u ahayn siilaanyo oo dhaleecaynaya faysal cali waraabe waxaan goob jog u ahayn siilaanyo oo wax caayaya saq dhexe mr siilaanyo waa iga suaale ma dad binaadan ah ayaad dhaleecaynaysay mise jinni?b/madow waxaa lagu qaaday qodobka 68 oo lagu qaado qofka mdaxda dhaleeceeya qodobkaa xagad ka dhaaftay haddii xaq la eegayo waxay ahyd in rag badan lagu qaado qodobkaasi oo aanuu buurmadaow noqon kii qodob jiray 20sano ugu horeeyey ee lagu xukumo taasina waa xaq daro lagula dhaqmay ninkaasi walaalkayo reer s/land
Haddii boqor buur madow kaligii uu tolkaa oo dhan kaa leexday oo ku mucaariday waxay sharaftu ahayd inaad iska cafido ood eegto inta badan eek u raacsan
Madaxda dawlada tan iyo kuwii ka horeeyeyba waxaan wada ognahay inaan nin ceeb ka saliin ahi aanu jirin waxaan kaloo ognahay in wax waraka ku qoran in badankoodu tahay dhaleeco horaanse u idhi afeef dhaleeco kastoo laguu soo jeediyo ha u qaadan cadaawad
Waxay ila tahay haddii aynu sidani ku sii socono inaynu mari doono marino xun ooy mareen kuwii inaga horeeyey yaan dadka xukunka loo isticimaalin maalinba rag cusub baa qaban doona sidaad jeceshay in laguula dhaqmo ula dhaqan dadka
Sidaa iyo nabad galyo
Fuad jawi
Ottawa Canada