MA JIRAA QODOB SHARCIYA OO XAKAMAYNAYA AWOODDA DAWLADA HOOSE IYO GOLIHII HORE EE DEGAANKA XILLIGA KALA GUURKA?
WAXAA KA BILAABMAY MASALIHII CASIMADA HARGYASA SAYLAD WAYN OO LAMIDA
TII XOOLAHA HARGAYSA ,OO LAGU KALA GADANAYO DANTII GUUD EE LAGA JARAY
BEERAHA ,WAXAANA KA SOCOTA (IGA GAD IYO KAA GADI MAAYO)
Anigoo ka mid dadka ku dhaqan casimada hargaysa daneeyana horumarka dalkayga iyo
dadkayga, lana dagaalama qabyaalada iyo musuqmaasuqa, magacayguna yahay Cabdilaahi
cismaan cabdi (Cabdilaahi Gadhle) aniga oo ka faa,iidaysanayaa fursadan qaaliga ah waxaan
doorbiday in aan wax yar ka tilmaamo ,dhibaatada shacabka reer Somaliland oo dhan ka
haysata golihii deegankii hore ee liiska ku yimi ,
Laga bilaabo malintii aynu u hub qaadanay in aynu galo doorashadii golaha deeganka her
degmo , runtii waxaad mooda in ay dad badan waxii ay kala kulmeen nacsiisay in ay doorasho
danbaba codeeyan, dhibatooyinka inaga soomaray hadan wax ka tilmaamo gaar ahaan
casimada hargaysa oo aan xogogaal in badan aan u noqday, dhaqamada qalafsan ee , hanti
boobka leh ee yalaa halkaas waxaa ka mida
Xildhiibaan ku hawlan in uu danguud u badasho dangaara
Xildhiiban ku hawlan hadii ay madaxda ka saraysaa fulin waydo waxa uu rabo in isaga
iyo inla midi mooshin soodiyaariyaan ka dhana cidii ka hor timaada musuqmaasuqa uu
wado
Qashinka magaalooyinka waaweyn oo aanad garanayn marmarka qaar cid inooga
masuula , haga jintooda ,
Hadaan usoo noqdo dhulkii loogu talo galay danta guud , ee u qorshaysnaa in ay
noqdaan garoomo kubada lagu ciyaaro , goobo caafimaad , goobo waxbarasho, goobo
hayada abnigu isticmaalan, iyo dhul kayda oo marka dawladu u bahanto la isticmaali
karo, oo uu wajibku ahaa in intaas ba laga helo dhulka dihiin ee beeraha ee hada qorsha
cusub u ka socdo ,si hargaysada cusubi u heesho Janis kabadan intii hargaysadii hore
wayday ,ayaa waxaad arkaysaa iyadoo beerihii danbana wakhtigaa aynu joogno aan
laga heli Karin meel danguuda , oo shiciku ku xisaabtamo ,sida runtiiiya arintaas waxaan
ku tilmaami karaa masiibo qaran oo inagaga timi dawaladaheeni hoose, walaalayaal
shacabka ree somalilandnow indhihiina wax ku arka oo soo kormeera waxaan aan ka
hadlayo waayo xilba inaga saran wadanka dhamaan sheikh, madaxweyne, xildhibaan,
aqoon yahan, dumar, iyo dhalinyaraba, waxaaynu dhamaan wadanka u nahay danjire ,
Waad ogayd banayntii jidadka waaweyn markii ay haleeli wayday dawlada hoose ,iyagoo
ku mashquulsan danahooda gaarka ah, waatii dawlada dhexe bilaawday in ay si
xilkasnimo leh u bilaawdo in hawshaas gudato ,iyadoo ka indha qarsanaysa waxa
halkaas ceeb iyo fool xumo uga soo hoyatay dawlada hoose , hadaba hadii dawlada
hoose shaqooyinkooda u madax banana yihiin miyaanay jirin , shuruc loo dajiyey ,
mudadii uu barlamaanku aynu soo dooranay u joogay meesha,
Dhibaatada ugu waynee kale ee aan la kulmay waxaay ahayd ,habeen habeenada
kamida goor fiida oo uu casimada roob wayni ka da,ay , waxaan sii socdkii aan
sii maray ,madaxtooyada dabadeeda ,hadana soo socdkii waxaan soo maray
madaxtooyada horteeda ,waxaan kala kulmay qashinkii ugu faraha badnaa ee meel
la dhigo oo waliba daadkii kala firdhiyey oo iniba meel tuulantahay madaxtooyada
horteedii ,sidaynu wada ognahay dalwalba murayadiisu waa laba
1. Eeriboodhkiisa
2. Madaxtooyadiisa
Markaay cayn kaas tahay walaalayal gaar ahaan inta ku nool casimada hargaysow
miyaanay nimankii aynu u dooranay in ay horumariyaan casimada hargaysa anay dhan
walba inaga naafayn , qof kastoo muwadina oo akhrista maqaalkan waxaan odhan lahaa
fikirkaaga ka dhiibo ,dhibaatooyinkii inaga soo maray golihii degaanka dalkoo dhan aynu
u dooranay
TALO BIXIN
Waxaa talo bixin iga ah in dhamaan xildhibaanadii golaha deeganka hargaysa maxkamad
la soo taago, (dhamaan 25 kii xildhibaanba) ujeedada ka danbaysaa ee ugu mihiimsani
ay noqon doonto, in ay dawo u noqoto kuwa hada soo socda, diinteena subanina waxay
ku odhanaysaa cid kasto samaysa sune xun markaasto la xasuusto qof kaas ilahay
cadaabta ayuu u sii laban labaa,
Si hantida deeganka loo badbaadiyo halaga xanibo awooda qaar, gaar ahaan kuwa ugu
mihiimsan mudada kala guurka , waayo xukumada dhexe dhamaan danaha qaranka
iyada uga masuula umada
In dawlada dhexe u dalbato odhid arintan, dabagal balaadhan ku sameeya , iyo waliba
gudidii musuqmaasuqa ee qaranku leyahay, waayo hadii danbiile ama tuug waliba inta u
ka dhamaysto uu si sahalan marka wakhtigu ka dhamaado u iska tagi karo taasi waxaay
u noqonaysaa wado furan oo aan lahay meel lagu soo af jaro
In hantida xildhibaanada hada wakhtigu ka sii dhamaanayo la xayiro, mudada baadhistu
socoto ,kadib kii danbigaasi ku cadaadana, hantidiisa uu sheeganayo ee uu ka xaday
umada dib loogu xaraasho deeganka
In dhamaan golayaasah qaranku dib uga fiiirsadan awooda dawlada hoose ay
yeelanayso ,waxaanan ku talin lahaa in aan awood dhamaystiran la siiinin inta la helaayo
shacab u bisil wadada horumarka iyo waxii ALLE inoo abuurtay ,
Wasaarada arimaha guudaha haloo badalo in ay noqoto ,(wasaarada arimaha gudaha
iyo dawlada hoose) , halkay markii hore ka ahayd wasaarada arimaha gudaha , taas
macnaha ka danbeeyana u yahay , in si wada jira dawlad hoose iyo dawlad dhexba looga
wada war hayo danaha bulshada ee hoose iyo kuwa guudba
Golayaasha barlamaanku in ay dhamaystiraan shurucdii goleyaasha
deeganka ,iyo kala xadaynta degmooyinka iyo casimadaba , oo iyaga laftoodu maruun
wax ha dhamaystiraan
Inta la saarayo maxkamad golaha deeganka casimad hargaysa waxaan si sharaf leh
uga codsanayaa anigoo ku hadlaaya afka dadka dega casimada hargaysa , in ururada
Somaliland anay dib usoo sharaxiin nimankaas aan ku tilmaami karo in ay yihiin tusaale
xun ama (vampires),
ururada hogaankooda maamul ku soo darsaday cid kamida golahaas aan sare ku
soo xusay haka noqdaa inta danbi uu ku cadanayo ama uu ka badbaadayo, waayo
maqaalkani waxa uu huwan yahay dacwad ka dhana golihii hore ee deganka hargaysa
GEBAGEBO
Waxaan ku soo gabagaynayaa shacabka reer somalilandnow hadaynu hagaagno dhamaan dawladeena
iyo hogankeenuba way hagaagayan , tusaale ahaan oo aynu wax ku doorano yaa daacada oo wax inoo
qaban kara ama la amini kara , hadan yara xuso qofka mudan inla doorta kuu yahay
- Waa inuu ahaada qof bulshada uuka soo baxayo marka horeba sharaf ku dhex lahaa
- Waa inuu ahaada qof muslima kuna dhaqma diinta islaamka
- Waa inaanu ahaan qof ku sifoobey sifo qabyaladeed ,
- Waa inaanu danbi galin mid qaran iyo mid shakhsi toona
- Waa inuu ahaada cashuur bixiye sitana cadaymihii
- Waa inuu hanti kuleeyahay magalada uu ka sharaxan yahay ,
- Waa in hantidiisu diiwan gashantahay ka hor intaanu ku guulaysan jagada uu u Tartamaayo
- Waa inuu ahaada qof bulshada uuka soo baxayo marka horeba sharaf ku dhex lahaa
- Waa inuu ahaada qof muslima kuna dhaqma diinta islaamka
- Waa inaanu ahaan qof ku sifoobey sifo qabyaladeed ,
- Waa inaanu danbi galin mid qaran iyo mid shakhsi toona
- Waa inuu ahaada cashuur bixiye sitana cadaymihii
- Waa inuu hanti kuleeyahay magalada uu ka sharaxan yahay ,
- Waa in hantidiisu diiwan gashantahay ka hor intaanu ku guulaysan jagada uu u
tartamaayo
ALLA WAYN
Waa qalinkii ;’ Cabdilahi Cisman Cabdi (Cabdilahi Gadhle)