|

Wasiirka Madaxtooyada oo ka hadlay wax-qabadka Xukuumadda

Burco, 06, July 2012 (Qurbejoog)- Wasiirka madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa markii u horeysay faah-faahin ka bixiyay oo difaacay waxqabadka xukuumadda uu ka tirsan yahay oo baarka ka jartay muddo laba sanadood ah. waxaanu tilmaamay in mudadaasi ay wax weyn ka qabteen adeegyadda ijtimaaciga ah.

Wasiirku wuxuu sidaasi ku sheegay xaflad balaadhan oo xisbiga KULMIYE uu Huteelka City Plaza ee magaalada Burco ugu sameeyay afar murashax oo hordhac u ah murashaxiinta xisbigaasi u sharaxayo tartanka doorashada golaha deegaanka Burco.

Wasiirku waxa uu tilmaamay in xukuumadda uu ka tirsan yahay iyadoo ka duulaysa balan-qaadyadii xisbiga KULMIYE u sameeyay bulshada xiligii olalihii doorashada madaxtooyada ay wax ka qabteen kor u qaadista dakhliga cashuuraha dalka, waxbarashada dugsyada hoose oo laga dhigay bilaash iyo adeegyada cisbitaalada dalka oo kor loo qaaday. Waxaanu tusaale u soo qaatay cisbitaalka magaalada Berbera.

“Xisbiga tallada haya ee Kulmiye waxa uu Wabarashadii dalka ka dhigay lacag la’aan halka tayada waxbarasho ee dalkuna ay haatan marayso meel aad u saraysa. dhinaca caafimaadka waxa kor loo qaaday adeegyada caafimaadka ee cisbitaalada dlka oo kow ka yahay cisbitaalka guud ee magalaada Burco,”ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyaddu.
Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Bedelaada lacagtii giinbaarta ahayd ee Gobolka Togdheer iyana ka mid ahayd mid ka mid oofinta balanqaadyadii xisbiga kulmiye oo laga dhabeeyay.”

Wasiirka Madaxtooyaddu waxa kale oo uu xusay in wada hadaladii dhawaan ay yeesheen madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya uu wax weyn ka tarayo siyaasadda dibada Somaliland. Maadaama oo uu sida uu carabaabay ay isku soo hor-fadhiisteen laba dal oo siman.

Wasiirku wuxuu ku dooday in xukuumaddu ay ka qeyb galka shirkii ay ka qeyb gashay ka xalaalaysay goleyaasha baarlamaanka isla markaana la tashatay ururada bulshada.

Qurbejoog, Burco

 

Comments are closed