Gollaha Wasiirada ee DKMG ah ee Soomaaliya oo shirkoodii Todobaadlaha ahaa yeeshay
Muqdisho, July,05, 2012(SDN)- Golaha Wasiirada Dowladda Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa iyadoo shirkani uu guddoominayay Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Ganacsigga iyo Warsadaha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeen Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif,Iyadoona Shirka looga hadlayay Xoojinta Amniga, Soo xulistii Ergooyinka iyo Garsoorka.
Ugu horeyn waxaa warbixin laga dhagaystay wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga Mudane Wuxuuna ka war bixiyey howlgalada ka socda dhamaan goboladda dalka, waxaana uu sheegay in cidanka Qaranku ay wadaan diyaar garowgii ugu dambeeyey oo ay kula wareegi lahaayeen Gobaladda ku haray gacanta Al-shabaab, Wuxuu kaloo uu Wasiiru Dowluhu sheegay in ciidanku wadaan sifayn ku aadan goobaha laga xoreeyey cadowga iyagoo la kaashanaya ciidanka booliska iyo kuwa Nabad Gugida Qaranka.
Sidoo kale waxaa war bixin laga dhagaystay wasiiru dowlaha arimaha Gudaha wuxuuna tilmaamay in la dhamaystirayo waqti dhow ciidankii booliska ahaa ee lagu wareejin lahaa goobaha laga saaray Al-shabaab sida Balcad waxaana uu ka dhawaajiyey in ay cutubyadii ugu horeeyey oo ah boolis ka socda AMISOM ay soo gaareen Magaalada Muqdisho islamarkaana u howl gali doonaan si la mid ah sida ciidanka booliska Soomaaliyeed u shaqeeyaan.
Waxaa sidoo kale Warbixin laga dhageystay Wasaarada Dastuurka oo ku aadan halka uu marayo soo gudbinta Ergadii ansixinta Dastuurka waxaana uu sheegay wasiirku in Odayaasha Qhaqanka qaarkood soo gudbiyeen Ergadii ansixin la heyd Dastuurka inta dhimana ay rajo ka qabaan inay ku soo gudbiyaan xiliigii loogu tala galay sida uu qorshuhu yahayna uu furmo Shirkii lagu Ansixin lahaa Dastuurka.
Ugu dambeyntii Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta, ayaa warbixin isna siiyey Golaha arrimaha ku saabsan Garsoorka waxaana uu xusay in wasaaradiisu ku dadaalayso sidii loo soo dhamaystiri lahaa dhamaan laamaha Cadaaladda si loo helo Garsoor hufan oo kula xaqsoora Bulshada Cadaaladduna ay ka mid tahay mabaadi’da asaasiga u ah Dowladnimada, siyaasada xukuumadana ay tahay hirgelinta iyo horumarinta Cadaaladda.