|

Suldaanka Guud ee Beelaha Irir Samaale oo bogaadiyay Kulankii Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya

July 05,2012(SDN)-Suldaanka Guud ee Beelaha Hawiye iyo Dir ee Irir Samaale Suladaan Cabdikariim Faarax Ibrahim oo saxaafada kula hadlay magaalada Edmonton ee dalka Canada ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo wadahadaladii dhawaanta dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya.

Suldaanka guud ee Beelaha Irir Samaale Suldaan Cabdikariim Faarax Ibrahim ayaa sheegay in kulankii dhawaanta ku dhex maray magaalada Dubai madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo iyo madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya Md Shariif Sheekh Axmed.

Suldaan Cabdikariim Faarax Ibrahim ayaa sheegay in tilaabadani yahay mid guud ahaan ummada Soomalaiyeed gaadh ahaan beelaha Irir Samaale isku soo dhaweynaya.

Suldaanka Guud ee beelaha Irir Samaale ayaa baaq uu u jeediyay Somaliland iyo Soomaaliya waxa uu ku sheegay in ay sii anba qaadaan isu soo dhaweynta dadka Soomaaliyeed.

SDN-Edmonton

contact@somalidaisporanews.com

 

Comments are closed